U soo guurista

Weydiimihiinii oo laga jawaabay

Goorma ayaan kirada la wareegayaa?

Taariikhda aad gashay Heshiiska Kirada ayaa ah marka aad noqonaysid kireyste sharciyeysan. Taariikhdaas laga bilaabo adiga ayay ku fuulaysaa mas’uuliyadda guriga iyo kiro bixintuba, xataa haddii aadan weli guriga u soo guurin. Haddii aad Gunnada Guryaha xaq u leedahay waa inaad buuxisaa arji cusub marka aad ogaatid inaad guriga u soo guureysid.
Marka aad 6-8 usbuuc gurigaaga cusub deggan tahay ayaa waxaa ku soo booqanaya Maareeyaha Xafiiska Xaafadaada si uu u arko bal sida aad guriga ula qabsatay iyo inuu kaala hadlo haddii ay wax dhibaatooyin ahi jiraan.
Haddii aad tahay kireyste hordhac ah, 12ka bilood oo hore si joogto ah ayaan kuu soo booqanaynaa si aan u hubino inaad dhowreysid shuruudaha Heshiiska Kiradaada.  Eeg Kirada gurigaaga.

Alaabo aan leeyahay guriga ma ku rakibi karaa?

Alaabadaada guriga waad ku rakibi kartaa haddii aadan dhaawac u geysanayn ama aadan wax meeshooda  ka bixinayn ama ka beddelayn, tusaale ahaan dhigashada makiinadda dharka lagu dhaqo oo kale. Haddii aad rabtid inaad wax sidooda ka beddeshid  waa inaad marka hore qoraal ahaan oggolaansho ku codsataa. Arrimahaasna waxaa ka mid ah rakibidda saxanka satelaytka. Eeg Hagaajinta gurigaaga.

Dayactirrada iyaga maxaa laga yeelayaa?

Ka hor inta aanaan guriga kireyn ayaan baaritaan ku samaynaa ammaanka gaaska iyo korontada. Xoogaa dayactir ahna waan ku samaynaa. Haddii dayactir dheeraad ah loo baahdo, fadlan la xiriir Xarunta Xiriirka Dayactirrada. Eeg Warqadda xiriirrada.

Mark aad aad saxiixaysid

Marka aad heshiiska kirada oggolaatid waxaa lagula yeelanaya wareysi ka dhacaya Xafiiska Xaafadaada. Waxaad saxiixaysaa Heshiiska Kirada ka dibna waxaan kaa qaadaynaa sawir lagu lifaaqayo faylkaaga guriga iyo kaydka xogaha ee sawirrada.

Waxaan kuu sheegi doonaa:

Waxaan ku siin doonaa:

Qurxinta guriga

Guryaha qaarkood waxaan kireystaha cusub siinaa kharash qurxin. Kharashkaani waa ka qaybgal kaliya ee ma daboolayo kharashka qurxinta oo aad u baahan tahay oo dhan.

Caymiska alaabta guriga

Waxaan si aad ah kuugula talinaynaa inaad gashid caymiska alaabta guriga. Caymiskaani wuxuu daboolayaa haddii, tusaale ahaan, dab ama daad ama tuubo furmatayi ay dhaawac gaarsiiyaan  telefishinka, katiifadda, maacuunka, dharka iyo alaabtaada kale ee guriga. Caymisku wuxuu kaloo dabooli karaa furayaasha luma ama la xado iyo alaabaha qaarkood haddii inta guriga la soo jabsado la xado.

Adiga ayaa dooran kara nooca heshiiska caymis ee aad rabtid. Hasy yeeshee waxaan soo xulnay heshiis kiradaada lagu dari karo. Nala soo xiriir haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahatid.