Kala beddelashada guryaha
Degmada Hackney ayaa maamusha liiska sugidda, hase yeeshee macluumaadka aad u baahan tahay oo dhan waxaad ka helaysaa Xafiiska Xaafadaada.
Weydiimihiinii oo laga jawaabay
Ma u guuri karaa Hackney dhexdeeda?
Haa. Haddii aadan horay ugu jirin diiwaanka guryaha ee Degmada Hackney waa inaad buuxisaa foomka arjiga oo liiska lagugu daraa. Markaa ka dib waa inaad toddobaad kasta raadisaa guriga aad jeceshahay inaad u guurtid. Eeg 1. Codso si aad u gashid diiwaanka guryaha Hackney.
Immisa ayaan sugayaa beddelka?
Arrintaani waxay ku xiran tahay tirada guryaha ka bannaan meesha aad rabtid inaad u guurtid, qaybta baahida guryaha ee aad ku jirtid iyo waqtiga aad liiska ku soo biirtay. Haddii aadan rabin inaad degdeg u guurtid oo aadan qaybta mudnaanta koowaad leh aadan ku jirin, waxaad isku dayi kartaa inaad kireyste kale guryaha kala beddelataan. Eeg Hababka kale oo loo guuro.
Haddii aad rabtid inaad u guurtid meel kale oo London ah ama xitaa Woqooyiga England, Wales ama Midlands waxaa jira nidaamyo gaar ah oo aad raaci kartid. Eeg Hababka kale oo loo guuro.
Ma u guuri karaa qaybaha kale ee dalka?
Haddii aad rabtid inaad u guurtid Hackney banaankeeda, la xiriir Kooxda Kabidda Adeegyada ee Degmada, iyaga ayaa kuu sheegaya cidda aad la xiriiraysid. Eeg Hababka kale oo loo guuro.
Ma jiraan guryo gaar ah oo loogu talagalay dadka waayeelka ah iyo dadka naafoobay?
Waxaan kuu gudbin karnaa guryo badan oo wadaag ah ayna maamulaan iskaashatooyinka guryuhu. Waxaan kaloo haynaa guryo laga ijaaro dadka waayeelka ah ama kuwa naafoobay kaliya. Eeg Adeegyada kabidda.
Haddii da’daadu 60 sano dhaaftay waxaan kaa caawin karnaa codsiga ah inaad u guurtid dabaq ama aqal badda u dhow ama baadiyaha ku yaal. La xiriir Kooxda Kabidda Adeegyada ee Degmada si aad u ogaatid sida loo codsado nidaamkaan ama guryahaan.
1. Codso si aad u gashid diiwaanka guryaha Hackney
Waxaa lagaaga bahan yahay inaad foom buuxisid. Foomkaan waxaad ka heli kartaa Xafiiska Xaafadaada.
Waxaan qiimeyn doonaa heerka baahidaadu gaarsiisan tahay annagoo isticmaali doona nidaam 5 qaybood. Kooxahaas codsadayaasha ah waxaa loo kala hormariyaa sida baahidoodu u kala wayn tahay. Waan kuu sheegi doonaa kooxda aad ku jirtid iyo guriga aad codsan kartaayi inta uu le’eg yahay. Booska aad qaybtaada ka gelaysid waxay ku xiran tahay taariikhda liiska lagugu daray.
2. Raadso guriga aad rabtay
Toddobaad kasta waxaan soo xayaysiinaa guryaha diyaarka ah. Guryahaas waxaad ka arki kartaa subaxa Jimacaha (habeen-barka Khamiista) ilaa habeen-barka Isniinta:
- bogga internetka ee Hackney oo ah: www.hackney.gov.uk/hackneychoice.
- warsidaha ‘Choice Homes Magazine’ oo isagoo bilaash ah laga helo Xafiisyada Xaafadaha iyo Aqalka Degmada (Town Hall).
- mid ka mid ah Tabakaayooyinka Waaxda Guryaha ee Hackney.
Guri kasta oo la xayaysiiyay wuxuu leeyahay lambarka tixraaca ee guriga.
3. Noo soo sheeg
Toddobaad kasta waxaad codsan kartaa labo guri. Telefoon ayaad soo wici kartaa, internetka ayaad isticmaali kartaa, farriin text ah ayaad soo diri kartaa ama booqo (ama isticmaal tabakaayada) Xafiiska Xaafadda.
4. Waan kula soo xiriiri doonaa
Waxaan fiirin doonaa in qof kale uu rabo guriga aad soo codsatay. Haddii qof kale soo cdosan waayo adiga ayaan ku siin doonaa.
Haddii dad kale ay hal guri wada codsadaan, waxaan siin doonaa qofka qaybta ugu horreysa ku jira oo muddada ugu dheer liiska ku jiray.
