Macluumaad ku saabsan waaxda
Guryaha ee Hackney
Hadafkayagu waa gudbinta adeeg guryo oo heer sare ah annagoo bixinna guryo macquul ah oo deggenayaasha ka caawinna sidii ay u mujtamaca ugu horseedi lahaayeen nolol nabad iyo naruuro leh.
Degmada Hackney iyo waaxda Guryaha ee Hackney
Degmada Hackney waxay milkidaa ilaa 23,500 oo guri oo kiro loogu jiro. Guryahaan badankood waa guryo taxane ah (estates) oo isugu jira dabaqyo caadi ah, dabaqyo isa-saar ah iyo xoogaa aqallo ah.
Guryaha oo dhan waxaa Degmada u maamula Waaxda Guryaha ee Hackney. Waaxda Guryaha ee Hackney waa hay’ad Degmada ka baxsan inkastoo Degmadu ay 100% asaaskeeda iyo milkiyadeedaba iska leedahay .
Waaxda Guryaha ee Hackney waxay maamushaa kirada gurigaaga, waxayna kuu fidisaa adeegyada guri ee aad u baahan tahay iyadoo fulisa dhammaan dayactirrada gurigaaga laga qabto.
Degmada Hackney weli kaalin muhiim ah ayay kaga jirtaa bixinta guryaha Hackney dhexdeeda. Degmadu waxay mas’uul ka tahay hubinta in halbeegga guryaha bulshada ee xaafaddu uu wanaagsanaado, hadday noqon lahayd guryaha ay Degmadu bixiso ama kuwa ay Iskaashatooyinka Guryuhu bixiyaan. Sidoo kale, shan xubnood oo ka mid ah golaha sare ee Waaxda Guryaha ee Hackney ayaa ah Xildhibaannada Hackney sidaa awgeed waxay xildhibaanadaasi qaybtooda ka qaataan go’aannada la xiriira maamulka Waaxda Guryaha ee Hackney.
Waa kuwama waaxda Guryaha ee Hackney?
Waaxda Guryaha ee Hackney waxaa la dhisay bishii April 2006 ka dib markii wadatashi buuxa lala sameeyay kireystayaasha. Waa shirkad aan faaiido doon ahayn, taas oo micneheedu yahay in dhammaan lacagta ka soo gasha kirada ama deeqaha ay dib ugu celiso sidii guryo macquul ah (decent homes) iyo adeegyo loogu heli lahaa kireystayaasha guryaha Degmada Hackney. Sidoo kale waa nooca shirkadaha ee loo yaqaan ALMO (oo u taagan - Arms Length Management Organisation - Ururka Maamulka ee Gacan Dhererkeed-) taas oo micneheedu yahay Degmadu ay leedahay hase yeeshee aysan qayb degmada ka mid ah ahayn.
Waxaan leenahay Gole Maamul oo annaga noo gaar ah kuwaas oo go’aannadooda gaara iyagoo Degmada ka madaxbannaan. Goluhu wuxuu ka kooban yahay lix wakiil oo la doortay oo degganayaasha ka socda, shan xubnood oo madaxbannaan oo la magacaabay iyo shan Xildhibaan oo ay Degmada Hackney soo magacowday.
Sababta ugu wayn oo loo asaasay Waaxda Guryaha ee Hackney waa in la helo urur u go’ay sidii uu kor ugu qaadi lahaa heerka adeegga ee kireystayaasha Degamada Hackney.
Ujeeddooyinkayaga ugu waawayn
- La shaqaynta Degmada Hackney si kor loogu qaado guryaha Degmada Hackney iyo weliba muuqaalka iyo horumarka degaanka.
- Helidda iyo ilaalinta guryo macquul ah iyo degaan wacan oo la siiyo dhammaan deggenayaasha.
- In si fiican loola shaqeeyo Degmada Hackney si loo xaqiijiyo ujeeddada Adeegga Koowaad ah ee dhammaan adeegyada dadweynaha lagu gudbinayo hab wadatashi ah oo qof kasta u furan.
- In si habsami ah loo xaqiijiyo kor u qaadista adeegyada guryaha.
- In si habsami ah looga jawaabo adeegga guryaha oo deggenayaasha si wanaagsan loo qanciyo.
- In la abuuro bulsho awood leh, nabadgelyo ku nool oo wadashaqaysa.
- In la hubiyo in la daboolay baahida dadka dhibaatada u nugul iyo kuwa la xiriirkoodu adag yahay.
- In guryaha taxanaha ah, qayb kasta qorshe gooni ah loo sameeyo si kor loogu qaado ammaankooda, nadaafadooda iyo dhulkooda cagaaran.
- In la dhaqaaleeyo hantidayada oo lacagtu meeshay ku haboon tahay uun lagu bixiyo.
Halbeegga guryaha macquulka ah
Noqoshada aan ALMO noqonayi waxay Waaxda Guryaha ee Hackney fursad u siisay maalgelin dheeraad ah oo dhanka dawladda ka timaada si loo bixiyo kharashka guryeheenna lagu gaarsiinayo Halbeegga Guryaha Macquulka ah.
Arrintaan waxaa lagu xaqiijinayaa barnaamij loogu talogalay hagaajinta guryaha gudohooda (jikooyinka iyo musqulaha qubayska) iyo dibadoodaba.
Hiddahayaga
- Macmiilka ayaan wax kasta ka horreysiinaa. Daacad ayaan nahay, aan waxba qarin oo lala xisaabtami karo, qof kastana ula dhaqanta si sharaf, caddaalad iyo ixtiraam ku dheehan.
- Si aan adeeggayaga kor ugu qaadno, degganayaasha ayaan awood siinnaa annagoo hawlahayga ka qaybgelina.
- Hawlahayagu waa habaysan yihiin waana wax-ku-ool, hantidayadana si haboon ayaan u isticmaalnaa.
- Waxaan dhiirrigelinaa sinnaanta, kala duwanaantuna waa damaashaadkayaga.
- Shaqaalahayaga waan qiimeynaa, horumarinaa oo awood buuxda siinaa si ay himiladooda u gaaraan.
- Waxaan la shaqaynaa Degmada Hackney iyo hawlwadaagyadayada kale.
- Dhinaca fiican ayaan wax ka eegnaa, dhakhsana waan u jawaabnaa annagoo ku dadaalna xaqiijinta dhibcaha ugu sarreeya.
- Waxaan nahay hay’ad dadka dhegeysata, waxna ka barata oo horay u socota.
