Hordhac
Ujeeddada buuggaani waa in aad heshid macluumaad ku saabsan heshiisska kirada guriga ee aad la gashay Degmada Hackney iyo adeegyada guryaha la xiriira ee aad ka heshid Waaxda Guryaha ee Hackney.
Haddii aad weydiimo qabtid ama aad wax raadinaysid, fadlan marka hore ka fiiri in buugga lagu sharxay. Liiska cutubyada ee buugga horraantiisa ku yaal ayaa kaa caawinaya inaad heshid mawduuca aad u baahan tahay. Haddii aad intaas ka dib u baahatid qof aad la hadashid fadlan nala soo xiriir.
Waxaa kaloo la heli karaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan arrimo dhowr ah oo aad arki doontid iyagoo calaamadaysan. Macluumaadkaan waxaad ka heli kartaa Xafiiska Xaafadaada.
Sida naloola soo xiriiro
Cinwaanada Xafiisyada Xaafadaha, Xafiisyada TMO, Xarunta Xiriirka Guryaha iyo weliba lamabarro telefoon oo waxtar leh waxaad ka heli kartaa Warqadda xiriirka.
Fadlan noo soo sheeg haddii qof gurigaaga ku nooli uu rabo in qayb buuggaan ka mid ah loo faahfaahiyo, ama CD ama cajilad looga dhigo ama far waawayn loogu daabaco.
Haddii aad rabtid inaad luqaddaada nagula hadashid ama mid ka mid ah dukumintiyadayada laguu turjumo la xiriir Xafiiska Xaafadaada.

