Akhlaaq xumada iyo hanjabaadda

Waxaan rabnaa in gurigaaga iyo bulshadaada dhexdeeda aad ammaan ku dareentid. Haddii ay noloshaada akhlaaq xumo iyo hanjabaadi soo foodsaarto, la xiriir Xafiiska Xaafadaada ama Waaxda Danbiyada Nacaybka ee Degmada.

Weydiimihiinii oo laga jawaabay

Tallaabadee ayaan qaadi karaa?

Haddii cay iyo xadgudub kale lagugu cabsi geliyay waa inaad la xiriirtaa Xafiiska Xaafadaada. Waxaan u baahan doonaa faahfaahinta dhibaatada, sidaa awgeed dhacdooyinka ku ururi xusuu-qor. Waxaan kaala talinaynaa tallaabada ay tahay inaad qaadid, waxaanan kuu fidinaynaa taageero kasta oo aan awoodno. Haddii danbi dhacay, dabcan waa inaad booliskana la xiriirtaa.

Maxay Degmadu qaban kartaa?

Haddii dhibaatadu dhex taallo laba kireyste oo deris ah oo ay ku lug leedahay jabinta Heshiiska Kirada, waxaan tallaabo sharci ah ka qaadi karnaa kireystaha xadgudubka sameeyay. Kiisaska hanjabaadda oo ay ku jiraan hanjabaadaha isirka ku salaysan si dhab ah ayaan u baarnaa. Haddii dhibaatadu ay ka timid reer guri gaar loo leeyahay deggan waxaan ku siinaynaa talo iyo taageero ku saabsan wixii aad samayn lahayd. Waxaad kaloo talo ka heli kartaa qareenkaaga. Eeg Maxaa laga qaban karaa iyo Xadgudubka iyo rabshadaha guryaha.

Maxaan samayn karaa haddii aan ka walwalsanahay deris loo caga jugleeyo?

Hadday kula tahay in reer deris ah ay dhibaato ka haysato akhlaaq xumo lagu sameeyay oo ay gargaar u baahan yihiin, waan u tegi karnaa annagoo kala hadlayna baahidooda. Wax kasta oo aad noo sheegtidna waxay ahaanayaan kuwo qarsoon oo aan cid kale loo sheegin.

Guri kale ma u guuri karaa?

Sida caadiga ah kuma rarayno ee waxaan isku dayi doonaa inaan dhibaatada xallino. Hase yeeshee haddii ay jirto caddayn dhab ah oo sheegaysa in adiga ama qof kale oo qoyskaaga ahi aad halis ku jiraan waxaa laga yaabaa in aan guri kale kuu wareejino.

Waa maxay akhlaaq xumadu?

Akhlaaq xumadu waa akhlaaq kasta oo dhaawac u geysanaysa tayada nolosha deggenayaasha aagga, taasoo keenaysa culays ama  khatar. Waxaana ka mid ah qaylada, ganacsiga maan-dooriyayaasha, tuugada, kharribaadda iyo jir iibsashada. Waxaa kaloo ku jira hanjabaadda iyo danbiyada nacaybka.

Hanjabaadda iyo danbiyada nacaybka. Waa marka uu qof damco inuu dhibo ama u hanjabo qof kale, qofkaas loo hanjabay oo noqon kara shaqaalaha Degmada iyo qaandaraaslayaasha. Sida badan arrintaani waxay ku salaysan tahay cuqdad uu qofkaasi ka qabo nooc dadka ah tusaale ahaan qofka asalkiisa, midabkiisa, dhalashadiisa, diinta ama siyaasadda uu rumaysan yahay, jinsigiisa (lab ama dheddig), da’diisa, qaabkiisa galmood, naafanimadiisa ama xaaladiisa maskaxeed. Waxaana ka mid ah hanjabaadaha ku salaysan isir nacayb, nacaybka galmo dadbanaanta, hanjabaad galmood ama rabshadaha guriga. Falalkana waxaa ka mid ah summadaynta darbiyada, alaabo burburin, cay qoran ama mid afka ah, dabagal, cabsi gelin iyo rabsho abuuris.

Maxaa laga qaban karaa

Xafiisyadayada Xaafaduhu tallaabo adag ayay akhlaaq xumada ka qaadi doonaan. Haddii ay na soo gaarto cabasho ku lug leh akhlaaq xumo deriska ka timid, qofka ku kacayi ha noqodo qof qoyska ka tirsan ama qof booqasho ku yimid, markasta dhibaatada si fiican ayaan u baari doonaa ka dibna tallaabo haboon ayaan ka qaadi doonaa. Tallaabadaani waxay noqon kartaa warqad digniin ah, amar maxkamadeed ama heshiiska ama amarka akhlaaq xumada ama xitaa in kiradaada la soo af-jaro. Waxaan la shaqayn doonaa hay’adaha kale oo uu boolisku ka mid yahay haddii aad adigu oggolaatid) si aan akhlaaqda noocaan ah wax uga qabano.

Waxaan samaynay Kooxda Ammaanka Guryaha oo si fiican wax uga qabta musuqmaasuqa, raadyayaasha sharci-darrada ah iyo danbiyada halista oo guryahayaga dhexdiisa lagu sameeyo.

Xadgudubyada ganacsiga maan dooriyayaasha iyo hanjabaadda. Guriga ayaan kaa saaraynaa haddii adiga ama qof kale oo kula nool ama kula seexda ama ku soo booqanaya uu ku kaco hanjabaad ama gancsi maan dooriye.