Gadashada gurigaaga

Haddii aad ku fakaraysid inaad gurigaaga gadatid, waa inaad heshaa talooyinka iyo macluumaadka ugu badan oo aad heli kartid si aad u ogaatid inaad qaadatay go’aanka ugu haboon. Talo iyo tusmaba annagaa ku siin karna.

Weydiimihiinii oo laga jawaabay

Yaa leh xaqa gadashada?

Kireystayaasha Degmada badankood guryohooda way gadan karaan haddii ay sanooyin cayiman guriga kiro ugu jireen. Eeg Xaqa gadashada. Hase ahaatee haddii aad tahay kireyste ku meelgaar ah ama kireyste xanniban ma codsan kartid gadashada guriga aad deggan tahay. Muddada ay kiradaadu xanniban tahayna laguma tirinayo lacag-dhimista aad heli doontid. 
Ilaa 3 qof oo kale ayaa guriga kula gadan kara. Waxay noqon karaan kiro wadaage ama qof kale oo qoyskaaga ka tirsan haddii gurigu uu yahay gurigooda kaliya ama rasmiga ah ayna kula noolaayeen 12kii bilood ee u dambeeysay. Haddii aad jabisid shuruudaha Heshiiska Kiradaada waxaad halis u tahay inaad waydo xaqa gadashada. Eeg Waad waayi kartaa xaqaaga gadashada.
Marka aad codsatid inaad gurigaaga gadatid waxaan kuu samayn doonaa dayactirka asaasiga ah ee sharcigu nagu khasbayo inaan samayno.

Immisa lacag ah ayaan bixin doonaa?

Guriga waxaa lagu qiimeynayaa qiimaha suuqa caadiga ah. Qiimeynta lagu dari mayo wixii haagaajin ah oo aad horay ugu samaysay. Sicirka waxbaa lagaa dhimi karaa iyadoo la eegayo muddada aad guriga kirada ugu jirtay. Eeg Xaqa Gadashada. Waxaad bixin doontaa kharash cayiman. Eeg Kharashka gadashada la xiriira. Sidoo kale waa inaad ogaataa in kharash dheeraad ah aad bixinaysid marka aad gurigaaga la wareegtid. Eeg Marka aad gadatid.

Gurigeyga mar dambe ma iibin karaa?

Markaad noqotid milkiilaha guriga, waad sii iibin kartaa. Hase yeeshee, dhowr sano gudohood sidaa ma samayn kartid, iyadoo la eegayo marka aad go’aansatay inaad guriga iibisid ayaana laga yaabaa inaad dib u bixisid lacagtii lagaa dhimay markii aad gadanaysay oo dhan ama qaarkeed.

Xaqa Gadashada

Gurigaaga waad gadan kartaa haddii:

Sicirka aad bixinaysid wuxuu la mid yahay sicirka uu gurigu suuqa ka joogo. Waxbaa lagaa dhimi karaa. Lacagta lagaa dhimayaa waxay ku xiran tahay inta sano oo aad kireyste ka ahayd dawladda hoose iyo milkiile kasta oo bulsho oo diiwaangashan oo leh Xaqa Gadashada.

Waad waayi kartaa xaqaaga gadashada. Haddii aadan dhowrin shuruudaha Heshiika Kirada (siada adigoo kirada bixin waayay) tanina waxay keeni kartaa Amar la Wareegid ama xannibid kiro oo ay Maxkamadi soo saarto.

Kharashka gadashada la xiriira

Waa inaad bixisaa lacag bilow ah oo gadashada  la xiriirta xataa haddii aad kaambiyaale guriga ku gadanaysid. Sidoo kale waa inaad bixisaa kharashyo cayiman iyo canshuuro ah:

Marka aad gadatid

Haddii aad aqal gadatid waxaad mas’uul ka noqonaysaa dhismihiisa, caymiskiisa iyo dhammaan dayactirka iyo hagaajintaba. Waxaa kaloo dhici karta inaad bixisid kharashka adeegga sanadlaha ah ee meelaha la wadaago iyo qalabkaba.

Haddii aad gadatid dabaq ama isa-saar waxaad mas’uul ka noqonaysaa bixinta kharashka kugu soo aada ee caymiska dhismaha, nadaafadda dhismaha, meelaha iyo qalabka la wadaago iyo wixii dayactir wayn ah oo dhismaha lagu sameeyo.