Dhededa adkaatay
Haddii aadan fahmin tusmooyinkaan ama aad dareensan tahay inaadan waxba samayn karin la xiriir Xarunta Xiriirka Guryaha ama TMO.
Maxay tahay dhededa adkaatayi?
- Waxay ka bilaabantaa dhibcaha yaryar ee ka soo baxa wax kariska, dhar dhiqidda iyo isticmaalka gaaska.
- Dhibcahaas yaryar oo hawada ahi waxay ku dhegaan dusha qabow sida derbiyada, muraayadaha, marmarka iyo daaqadaha iyo xataa dharka qaarkiis.
- Marka dhibcaha hawada ahi ay kulayl yihiin kor bay aadaan waxayna badanaa ku dhegaan saqafka ama qolalka sare waxayna noqdaan kuus-kuus cajiinka oo kale ah.
Ka hortagga dhededa adkaatay
Dhededa adkaataayi guri kasta ayay ku samaysmi kartaa. Tallaabooyin ayaad qaadi kartaa si aad uga hortagtid.
Xakamee bixidda dhededa:
- xir albaabada jikada iyo musqusha qubayska si aad u hor istaagto in dhedeu aaddo qolalka kale ee qabow
- fur daaqadaha jikada iyo musqusha qubayska marka aad wax karinaysid ama wax dhaqaysid si uumigu u baxo
- isticmaal marawaxadaha jikada iyo musqusha qubayska haddii aan kuugu rakibnay
- fur qaar ka mid ah daaqadaha qolalka kale in muddo ah maalin kasta si hawadu u beddelanto
- ha isticmaalin diiriyayaasha gaaska quraaradaha ku jira ah
- tirtir meelaha ay dhededu ku ururto si aad uga hortagtid inay kuus-kuus cajiin ah noqoto
- ha xannibin marawaxadaha hawada.
Yaree dhededa:
- dharka dibadda ku qallaji markasta oo ay suurogal tahay, haddii kale isticmaal qolal marawaxad fiican leh
- digsiyada dabool marka aad cuntada karineysid
- dhar qallajiyayaasha afkooda bannaanka u saar.
Gurigaaga kululee:
- qaad tallaabooyin aad kaga hortegaysid kulaylka baxa
- caadayso diirrimaadka hoose.
