Wadatashiga

Waxaan rumaysanahay xaqa ay kireystayaashu u leeyihiin inay cod ku yeeshaan go’aanada saamaynaya guryohooda iyo aagga ku wareegsanba.

Weydiimihiinii oo laga jawaabay

Qorshayaasha iyo is beddellada ma la igala tashanayaa?

Waxaa lagula socodsiin doonaa qorshe kasta oo si toos ah adiga ama gurigaaga u saamayn doona. Waxaad walaacaaga ama cabashadaada si toos ah ugu gudbin kartaa Xafiiska Xaafadaada. Sidoo kale waxaa lagaala tashan doonaa, adigoo ay dad kale ku weheliyaan, waxyaabaha kale ee muhiimka ah ee saamayn ku yeelanaya deggenayaasha oo dhan ama qaarkood. Eeg Sidee ayaa laguula tashanayaa.

Sidee ayaan ra’yi u soo jeedin karaa?

Waxaan soo dhoweynaynaa eedaynta ama fikradaha wax ku oolka ah ee loo soo jeediyo hawlgalladayada, adeegyadayada, maamulkayaga ama habka aan u shaqayno. Haddii aad rabtid inaad ra’yi soo jeedisid fadlan warqad u qor ama si toos ah ula xiriir Maareeyaha Xafiiska Guryaha ee Xaafadaada. Fikradahaaga tixgelin dhab ah ayaan siinaynaa. Sidoo kale Wakiilkaaga Kirada ayaad kala hadli kartaa wixii walaac ama fikrado ah oo aad qabtid.

Wararka Guryaha

Waxaan soo saarnaa warside lagu magacaabo Wararka Guryaha Hackney (Hackney Homes News)oo aan si joogto ah kireystayaasha oo dhan ugu soo dirno. Rajadayadau waa, annagoo adeegsanayna warsidaha Wararka Guryaha Hackney (Hackney Homes News) inaan idinla socodsiino sida ay u socdaan dhammaan dhinacyada adeeg ee aan fulino oo aan idiin muujinno aarimaha ama isbeddellada adeegyadayada la xiriira. waxaan soo dhowaynaynaa dhammaan talooyinka kairaystayaasha iyo degenayaasha kaleba ay warsidaha u soo jeediyaan.

Xaqa aad u leedahay in lagula tashado

Waxaan kula socodsiin doonaa qorshe kasta oo Degmada ama Waaxda Guryaha ee Hackney ay wataan kaasoo saamayn ku yeelan kara naftaada iyo gurigaagaba, qorshayaas oo ay ka mid yihiin:

Haddii deggenayaal kale oo xaafadaada ah ay arrimahaani saameeyaan iyagana waan la tashanayanaa.

Sidoo kale waxaan is beddellada kuugu soo sheegaynaa gudaha buug-gacmeedyada iyo warsidayaasha.

Sidee ayaa laguula tashanayaa

Hababka la tashiga waxaa ka mid noqon kara:

Si kasta oo aan la tashiga u samayno, waxaan ku dadaalaynaa in wixii macluumaad ah oo la sheego si fiican loo fahmo. Haddii aad u baahatid in macluumaadka laguu turjumo, far waawayn laguugu daabaco ama CD ama cajilad laguugu duubo intaba waan kuu samynaynaa.

Ka hor inta aan go’aanka kama dambaysta ah la gaarin, waxaan ku weydiin doonaa waxa aad ka qabtid oo aad ku darsanaysid.

Xog baarista qanacsanaanta

Marmar ayaan xog baaris samaynaa. Xog baaristaan waxaa lagu samayn karaa wareysi telefoon ama warqado weydiimo ah oo la soo diro. Mamarka qaarkood waxay noqon doonaan wareysi fool-ka-fool ah oo ay qaadaan baarayaal la magacaabay.