Burburka (xiriirka) qoyska

Si dhakhso ah tallaabo u qaad si aad xuquuqdaada u ilaalisid. Maxkamadda oo kaliya ayaa leh awood gurigaaga xoog lagaaga saari karo. Haddii aad walwalsan tahay la xiriir Xafiiska Xaafadaada si aad arrinta uga wada hadashaan.

Weydiimihiinii oo laga jawaabay

Lammaanahaygu guriga ma iga saari karaa?

Haddii aad ku qoran tahay (magacaagu ku qoran yahay) mid ka mid ah kireystayaasha waxaad xaq u leedahay inaad guriga joogtid. Haddii aad is qabtaan labadiinuba xaq baad u leedihiin inaad guriga joogtaan. Haddii aad isku afgaran waydaan qofkiina baxaya maxkamadda oo kaliya ayaa idin kala saari karta. Haddii aydaan kireystaha is qabin oo aadan kireyste ahayn annaga nala soo xiriir si aan kaagala hadalno albaabada kuu furan. Ha iska dayicin xaqa aad u leedahay inaad guriga joogto adiga oo aan marka hore talooyin raadin. Eeg Xuquuqdaada.

Yaa kirada soo afjari kara?

Kireyste kasta oo magaciisu Heshiiska Kirada ku qoran yahay waa soo afjari karaa kirada, hase yeeshee waa inuu na siiyaa 4 usbuuc oo ogeysiin ah. Haddii mid ka mid ah kiro wadaaggu uu doono inuu ka baxo kirada waa inuu annaga iyo kireystaha kale ee wadaaggaba na soo ogeysiiyaa. Kireyste wadaagaha harayi xaq toos ah uma leh inuu guriga sii deggenaado.
Haddii aadan ku qornayn Heshiiska Kirada oo lammaanahaagu rabo inuu kirada soo afjaro, sida ugu dhakhsaha badan noola soo xiriir si aan u eegno inaad gurigaaga joogi karto iyo in kale. Eeg Xuquuqdaada.

Maxaa dhacaya haddii lammaanahayga ama kiro wadaaguhu uu guriga isaga tago?

Haddii kiro wadaage, ama lammaanahaaga kireystaha ahi ay guriga ka tegeen iyagoo aan noo soo sheegin, nala soo xiriir si aad u ogaatid inaad guriga sii joogi kartid iyo in kale. inta aanaan magaciisa kirada ka tirtirin waxaa nalaka rabaa inaan ogeysiis u samayno.

Xuquuqdaada

Siyaabaha gargaar loo helo

Xadgudubka iyo rabshadaha guryaha. Waxaa laga yaabaa inaad gargaar u baahan tahay haddii laguu hanjabay ama qof gurigaaga jooga ama lammaanahaagii hore uu kugula kacay xadgudub (jir, galmood ama aflagaado). Degmadu waxay leedahay koox tababaran oo ku caawin karta. Haddii ay wax degdeg ahi jiraan la xiriir booliska.