Garaashyada iyo baabuur dhigashada

Weydiimihiinii oo laga jawaabay

Xaggee ayaan baabuurkayga dhigan karaa?

Waxaad baabuurka dhigan kartaa oo kaliya meelaha loo calaamadiyay oo waddada dhinaceeda ah. Aagagga badankood waxaa ka jira nidaam baabuurta meesha taal lagu kontoroolo. Kireystayaasha, deggenayaasha iyo dhammaan booqdayaashuba waa inay raacaan xeerarka nidaamkaan. Eeg Baabuur dhigashada iyo Nidaamka kontoroolka baabuur dhigashada.

Sidee ayaan u kireysan karaa garaash ama meel baabuurka la dhigto?

Waxaan haynaa garaashyo badan oo kiro ah meelaha qaarkoodna meelo baabuurta la dhigto oo albaab leh. Haddii aad rabtid inaad kireysatid garaash ama meel baabuurka la dhigto waa inaad la xiriirtaa Xafiiska Xaafadaada. Eeg Kireysashada garaashka ama meesha baabuurka la dhigto.

Wax kasta ma ku kaydsan karaa garaashkayga ama meesha baabuurka la dhigto?

Garaashka waxaa loogu talagalay oo kaliya in la dhigto baabuur, bas ama mooto. Waa inaadan ku kaydin alaabada halista ah sida baasiinka, haamaha gaaska, ama alaabta kale ee ololi karta. Garaashkaaga waa in loo isticmaalo in waxyaabo guud lagu kaydiyo oo uusan noqon mid ganacsi ku shaqo leh.

Maxaan samaynayaa haddii baabuurkayga la xirtay ama la qaatay?

Arrintaani waxay dhacaysaa oo kaliya haddii aadan raacin xeerarka nidaamka baabuur dhigashada ee xaafadda ama aadan baabuurkaaga canshuurin ama aad dayacday. Marka baabuurkaaga la xirto si degdeg ah ayaa laguugu furayaa haddii aad bixisid lacagta loo haysto – faahfaahinta waxaad ka helaysaa warqadda baabuurkaaga lagu dhejiyay. Haddii baabuurkaaga la qaatay, waxaa jiraya ogeysiis meesha agteeda lagu dhejiyay oo kuu sheegaya waxa ay tahay inaad samaysid si aad dib ugu soo ceshatid.

Kireysashada garaashka ama meesha baabuurka la dhigto

Garaashyo badan ayaan ku leenahay Hackney dhexdeeda. Haddii aad rabtid inaad garaash kireysatid la xiriir Xafiiska Xaafadaada.

In kastoo mudnaanta koowaad la siiyo kireystayaasha guryaha, ahddana dad aan guryo u kireysnayn ayaa iyana kireysan kara garaashyada ama meelaha baabuurta la dhigto.

Waxaad lahaanaysaa koonto kiro oo u gaar ah garaashka ama meesha baabuurka la dhigto, hase yeeshee waxaad u bixin kartaa sida aad kiradaada caadiga ah u bixisid oo kale. Eeg Bixinta kirada.

Haddii kirada qaar lagugu leeyahay lagaama kireynayo garaash ama meel baabuurka la dhigto lagumana siinayo warqadda oggolaansha baabuur dhigashada ama furaha albaabka baabuurtu ka soo gasho.

Nidaamka kontoroolka baabuur dhigashada

Hackney waxay dhaqangelisaa dhowr nidaam. Waa inaadan baabuurka dhigan meel kasta oo ay ku qoran tahay baabuur lama dhigan karo (no parking) waana inaad raacdaa nidaam kasta oo aaggaaga looga dhaqmo. Dhammaan qoyskaaga iyo booqdayaashaaduba waa inay iyaguna nidaamka raacaan.

Waa inaad mar kasta muujisaa warqadda oggolaanshaha baabuur dhigashada, waxaana lagaaga baahan karaa inaad na siisid lambarka baabuurka aad adiga ama qof qoyskaaga ahi rabtaan inaad guriga agtiisa dhigataan.

Baabuur dhigashada