Isbeddelka qoyska

Waxaan samaynaa baaritaan joogto ah si aan u hubsano in kireystaha guriga ku qorani uu dhab ahaan guriga ugu nool yahay.

Weydiimihiinii oo laga jawaabay

Yaa gurigayga igula noolaan kara?

Qof kasta oo qoyskaaga ka tirsani guriga wuu kula wadaagi karaa waadna soo dejin kartaa. Gurigaaga qayb ka mid ah (gebigiis maaha) waad sii kireyn kartaa, hase yeeshee waa inaad haysataa oggolaanshahayga oo qraal ah. Kuuma diidayno oggolaanshaha haddii aysan sabab macquul ahi jirin. Haddii aanaan kuu soo jawaabin muddo bil ah arrinkaan waad ku dhaqaaqi kartaa, waxaadna ka soo qaadaa sidii anagoo oggolaanay oo kale. Haddii qof uu si rasmi gurigaaga ugu soo guuro ama uga guuro waxay raad ku yeelanaysaa xaqa aad u leedahay Gunnada Guryaha ama gunnoyinka kale.

Maxaa dhacaya haddii tirada qoyskaygu is beddesho?

Haddii qoyskaagu ballaarto gurigaaguna ciriiri kugu noqdo, waxaad codsan kartaa in guri ka wayn lagugu wareejiyo. Waxaad kaloo samayn kartaa inaad qoys kale guryaha kala beddelataan. Eeg Kala beddelashada guryaha iyo Habab kale oo loo guuro. Haddii aad ka kaaftoontay guriga qoysaska loogu talagalay, waxaa laga yaabaa inaan kuu heli karno guri yar oo aad u guurtid annagoo kharashka guurista qaar kaa bixin doona.
Weydii Xafiiska Xaafadaada buug-gacmeedka arrintaas ka hadlaya.

Qof ma ila noqon karaa kiro wadaage?

Haddii aad lammaanahaaga is guursataan ama aad rabtid inaad qof saaxiibkaa ah guriga la wadaagsatid, waan u oggolaan karnaa in qofkaasi kiro wadaage kula noqdo. Qofku waa inuu 18 sano ka wayn yahay, ka hor inta aanaan oggolaana waxaan baaraynaa guryo degistiisii hore. Eeg Kiro wadaagayaasha.

Yaa la wareegi kara kiradayda?

Kiradu waxay si toos ah ugu wareegaysaa qof kasta oo kiro wadaage kula ahaa. Haddii kale waxaa suurogal ah in ninkaaga, xaaskaaga ama lammaanahaagu ay kirada la wareegaan. Eeg Dhimashada kireystaha iyo Wareejinta kirada.

Kiro wadaagayaasha

Kiro wadaaggu waa marka labo qof ama ka badan oo qaangaar ah (18 ama ka wayn) ay ku qoran yihiin Heshiiska Kirada.

Kireyste kasta waxa uu si wadajir ah iyo si gaar ahba uga mas’uul yahay kirada iyo bixinta lacagta kirada oo dhammaystiran. Haddii mid kireystayaasha ka mid ahi uu dhowri waayo shuruudaha Heshiiska kan kale ayaa la qabsan karaa.

Kireyste kasta wuxuu leeyahay xuquuq la mid ah tan kireystaha kale. Kireyste kasta wuu codsan karaa Gunnada Guryaha.

Haddii mid kiro wadaagayaasha ka mid ahi uu doono inuu kirada soo afjaro, kireystaha kale si toos ah xaq uguma laha inuu sii joogo.

Wareejinta kirada (Tanaasul)

Waad wareejin kartaa kiradaa haddii aadan adigu markii hore qof qaraabadaa ah kala soo wareegin. Waxaad ku wareejin kartaa kiro wadaage ama lammaane kula nool ama qof qaraabadaada ah ama lammaane aydaan is qabin oo kula noolaa ugu yaraan 12 bilood.  Ka hor inta aadan kirada cid kale ku wareejin waa inaad oggolaanshayaga heshaa.

Dhimashada kireystaha (Wareejin)

Sharcigu wuxuu oggolyahay in kirada mar kaliya la wareejiyo.

Marka uu kireystuhu geeriyoodo qof kasta oo kiro wadaage la ahaa ayaa si toos ah kirada ula wareegaya. Haddii uusan kiro wadaage jirin lammaanka (oo ay ku jiraan labada isku jinsiga ah, ha is qabeen ama yaysan is qabine) ayaa laga yaabaa in loo oggolaado inuu kirada la wareego. Eeg Xuquuqaha kireystayaasha. Arrintaan waxaa loo yaqaan wareejin.

Kiro wadaagaha ama lammaanaha is qabaayi waa inay waqtiga geerida guriga ugu noolaayeen sidii gurigoodii kaliya oo ay  lahaayeen. Lammaanka aan kireystaha guur ka dhexeyni waa inuu kireystaha la noolaa ugu yaraan 12 bilood ka hor intuusan geeriyoon. Haddii uusan kiro wadaage ama lammaane midkoodna jirin, qof kale oo qoyska ka tirsan oo guriga ku noolaa ayaa laga yaabaa inuu kirada la wareego, laakiin markaas waxaa la eegaa xaalado gaar ah.

Qof kasta oo doonaya inuu kirada la wareego waa inuu warqad noo soo diraa 3 billod gudohood laga bilaabo marka uu kireystuhu geeriyoodo.