Hagaajinta gurigaaga
Weydiimihiinii oo laga jawaabay
Anigu gurigayga ma hagaajin karaa?
Waad ku rakibi kartaa guriga wixii aad rabtid mar haddii aadan gurigayaga dhaawac u geysanayn ama aadan wax ka beddelayn. Haddii aad rabtid inaad guriga wax ka beddeshid ama hagaajin ku samaysid waa inaad marka hore oggolaanshahayaga oo qoran heshaa. Hagaajintaan waxaa ka mid ah wax kasta oo aad gurigaaga gudihiisa ku samaynaysid (tusaale ahaan rakibidda qubays cusub ama rakibidda bareesooyinka korontada), qurxinta bannaanka guriga, ama alaabta dibadda la dhigo (tusaale ahaan saxanka satelaytka ama albaaba bir ah). Eeg Hagaajimaha aad samayn kartid.
Haddii aad fujisid wax markii hore guriga ku dhegganaa ama aad wax beddeshid adiga oo aan oggolaansho naga haysan waxaa laga yaabaa in marka aad guureysid aan kaa dalbano inaad wax kasta sidoodii hore ku soo celisid. Eeg Guurista.
Magdhow ma la iga siinayaa hagaajimaha aan sameeyay?
Waxaa suurogal ah in magdhow lagaa siiyo hagaajimaha qaarkood. Waxaase magdhowga la bixinayaa oo kaliya marka kiradaadu dhammaato. Waxaan ku siin karnaa liiska hagaajimaha ee magdhowga xaqa u leh. Eeg Magdhowga hagaajimaha.
Maxaa la igu gargaarayaa haddii aan naafoobo?
Waxaa laga yaabaa inaan gurigaaga ka hirgelino isbeddelada qaarkood taasoo ah gargaar aan gurigaaga kuugu fidinaynom, habyntaas waxaa ka mid ah biraha la cuskado ama musqusha qubayska oo dib u habayn lagu sameeyo. Eeg Adeegga kabidda.
Barnaamijkayaga dib-u-hagaajinta
Waxaa jira qorshe horay u socday oo dib-u-hagaajin iyo dayctir ballaaran guryahayaga loogu samaynayo. Barnaamijkaani wuxuu qayb ka yahay Barnaamijka Dawladda ee Guryaha Macquulka ah. Eeg Hlabeegga guryaha macquulka ah.
Inta aan waqtiga la gaarin ayaan kaala tashan doonaa shaqo kasta oo aan gurigaaga ka qabanayno sida daaqadaha, saqafka ama diiriyaha cusub. Sidoo kale waxaad na weydiin kartaa faahfaahinta qorshayaasha aagaaga laga wado.
Hagaajimaha aad samayn kartid
Gurigaaga waad hagaagsan kartaa. Waa inaad marka hore qorshayaashaada nagala hadashaa ka dibna aad warqad u qortaa Xafiiska Xaafadaada adigoo warqadda ku sheegaya dhammaan waxa aad damacsan tahay inaad samayso. Jawaabta waxaan kuu soo diraynaa hal bil gudeheed.
Waa inaadan shaqada bilaabin adigoo aan oggolaansho naga helin. Haddii aan oggolaanshaha ku siin wayno waxaan kuu sheegaynaa sababaha aan kuugu diidnay. Eeg Oggolaanshaha qorshaynta.
Haddii aad u baahatid hage ku tusaya waxyaabaha aad samayn kartid adigoo aan oggolaansho haysan, waxaad buug-gacmeed arrintaas ku saabsan weydiisan kartaa Xafiiska Xaafadaada.
Magdhowga hagaajimaha
Marka ay kiradaadu dhammaato waxaa suurogal ah in magdhow lagaa siiyo qaar ka mid ah hagaajimaha aad samaysay. Eeg Xuquuqaha kireystayaasha. Waxaan ku siin karnaa liis ay ku qoran yihiin noocyada hagaajimaha ee aad magdhowga ku heli kartid.
Magdhowga waxaa la bixin karaa oo kaliya marka aad guriga ka guureysid. Lacagta la bixinayaayi waxay ku xirnaan doontaa kharashka aad markii hore bixisay iyo muddada la soo isticmaalayay shayga la hagaajiyay. Wax magdhow ah lama bixinayo haddii:
- aadan helin oggolaansho qoraal ah oo kuu sheegaysa inaad hawshaas fulisid
- aan guriga kaaga saarnay adigoo shuruudaha kirada jabiyay awgeed
- magdhowga la bixinayaayi uu ka yar yahay £50
- hagaajinta la sameeyay wixii ka horreeyay 1da April 1994.
Oggolaanshaha qorshaynta. Waa inaad Waaxda Qorshaynta ee Degmada ka hubisaa inaad u baahan tahay helidda oggolaansho qorshayn oo rasmi ah iyo oggolaanshaha habaynta dhismaha. Adiga ayay ku saaran tahay mas’uuliyadda codsiga labadaan oggolaansho.
