Ku noolaanshaha dabaqyada

Haddii aad ku nooshahay dabaq, qol isu furan ama dabaq isa saar ah waa inaad deriskaaga si gaar ah u tixgelisaa oo u ixtiraamtaa, oo aad meelaha la wadaago si wacan u ilaalisaa.

Weydiimihiinii oo laga jawaabay

Yaa ka ma’uul ah nadaafadda meelaha la wadaago?

Nadiifnta dhulka, jaranjarooyinka iyo marimmada waxaa mas’uul ka ah Nadiifiyayaasha Guryaha Taxan (Estate).  Waxay si fiican u yaqaaniin meesha la nadiifinayo iyo inta mar ee la nadiifinayo. Eeg Meelaha la wadaago. Haddii ay dhibaato jirto la xiriir Xafiiska Xaafadaada.

Yaa ka mas’uul ah dayactirka meelaha la wadaago ama beeraha guud?

Annaga ayaa ka mas’uul ah dayactirka dhammaan beeraha iyo meelaha la waadaago ee aan annagu leenahay. Dayactirkaasna waxaa ka mid ah caws gooynta iyo hagaajinta xayndaabka, dhabbooyinka iyo qallajinta aaggaba, sidoo kale waxaan ka shaqaynaa telefoonka la iskula hadlo marka la soo gelayo iyo wiishashka. Wixii dayactir u baahan ama haddii aad aragtid wax la burburiyay waxaa loo soo sheegaa Xarunta Xiriirka Guryaha. Waxaad mas’uul ka tahay inaad naga caawisid sidii aan meelahaas u ilaalin lahayn oon uga dhigi lahayn meelo indhaha u roon.

Yaa ka mas’uul ah aryallada telefishinka iyo suxuunta satalaytka?

Dabaqyada qaar kooban ayaan siinaa aryal telefishin oo la wadaago. Haddii ay dhibaato kaa haysato telefishinka oo aad ku nooshahay dabaqyada aan soo sheegnay bal hubi deriskaaga inay iyaguna dhibaatadaas oo kale qabaan. Waxaa dhici karta in dhibaatadu telefishinkaaga ka timid. Haddii kire y stayaasha kale dhibaatada kula qabaan ugu soo sheeg Xarunta Xiriirka Guryaha sida aad dayactirka caadiga u gu soo sheegtid oo kale.
Haddii aad rabtid inaad rakabitid aryal telefishin ama saxan satalayt waa inaad marka hore oggolaansho qoraal ah annaga naga heshaa.

Maxaa laga samayn karaa qaylada dabaqyada dhexdooda ka jirta?

Si fudud ayaa darbiyada dabaqyada u dhexeeya qaylada looga dhex maqlaa. Sidaa awgeed dadka dabaqyada deggan waxaa laga sugayaa inay tixgelin iyo ixtiraam gaar ah isa siiyaan. Eeg Ixtiraamka deriskaaga iyo Buuqa iyo qaylada.

Ixtiraamka deriskaaga

Caafimaadka iyo badbaadada

Meelalaha la wadaago