Ku noolaanshaha gurigaaga

Waxaad ogaataa in ku noolaanshaha gurigaaga aad ku nooshahayi uu saamayn ku yeelan karo deriskaaga. Fadlan tixgelinta ha ka tegin.

Weydiimihiinii oo laga jawaabay

Xayawaan marabi ah ma haysan karaa?

Waad haysan kartaa xayawaanada marabida ah ee guryaha lagu xanaanaysto badankood, hase yeeshee waa inaad noqotaa qof mas’uul ah ood ku dadaashaa inaan xayawaankaaga marabida ahi uusan qaylo, halis ama caafimaad xumo u keenin degganayaasha kale iyo shaqaalahayagaba. Eeg Xayawaanada marabida ah.

Sidee ayaan qashinka u xoorayaa?

Sida caadiga ah usbuuciiba mar ayay Dawladda Hoose qashinka ka ururisaa haamaha loogu talagalay. Deriskaaga weydii maalinta aaggiina laga ururiyo. Waxaan kaloo soo dhignaa sanaadiiq loogu talagalay qashinka dib loo isticmaalo oo iyagana usbuucii mar la faaruqiyo. Alaabta waawayn ama qashinka tirada badan waa inaad u qaadaa kontaynerka Dawladda Hoose ee xaafadaada ama meesha qashinka lagu ururiyo ee ugu dhow dhinaca aad Laondon ka deggan tahay. Waxaad si gooni ah u ballansan kartaa Adeegga Degaanka ee Dawladda Hoose. Eeg Ururinta qashinka.

Gurigayga dhexdiisa ganacsi ma ku samayn karaa?

Ganacsiyada qaarkood waad ku samayn kartaa guriga dhexdiisa haddii aad oggolaansho qoraal ah annaga naga haysatid. Ganacsigaagu waa inuusan marnaba deriskaaga dhibaato u keenayn, macaamiishaaduna waa inaysan guriga kuugu imaanayn. dabcan  Gurigaaga marna looma isticmaali karo wax akhlaaqda iyo sharcigaba ka baxsan.

Maxaa is beddel ah oo aan beertayda ku samayn karaa?

Beertaada waad ka fulin kartaa wixii macquul ah oo dhul simid iyo dhir beeris ah. Waa inaad nala soo xiriirtaa haddii aad rabtid inaad dayrka beddeshid ama geedo gooysid iwm. Oggolaanshahayaga ayaad u baahan tahay ka hor inta aadan hawlaha qaarkood oo waawayn ku dhaqaaqin. Eeg Beertaada iyo Garaashyada iyo baabuur dhigashada.

Beertaada

Waxaad mas’uul ka tahay:

Waxaad u baahan tahay oggolaanshahayaga oo qoraal ah si:

Xayawaanada marabida ah

Ururinta qashinka