Guurista
Kirooyinku waxay dhammaadaan maalinta Axadda, ma dhammaadaan maalinta aad guurtay.
Weydiimihiinii oo laga jawaabay
Maxay tahay inaan sameeyo haddii aan rabo inaan guriga ka guuro?
Waa inaad qoraal ahaan noogu soo sheegtaa, ugu yaraan 4 usbuuc ka hor maalinta aad rabto inaad kiradaada soo afjarto. Haddii aadan noo soo sheegin waxaa laga yaabaa inaan kugu dallacano 28 maalmood kiradood. Furayaasha waa in lagu soo celiyaa Xafiiska Xaafadaada maalinta Isniinta. Eeg Soo afjaridda kiradaada.
Maxaan ka yeelayaa waxyaabaha aanan u baahnayn?
Ka hor inta aadan guriga ka guurin waa inaad ururisaa dhammaan alaabadaada guriga, alaabtaada gaarka ah iyo qashinkaba. Sida caadiga ah waan kugu dallacanaynaa qaadista wixii alaab ah oo aad guriga uga tagtid. Ka hor inta aadan guurin, waa inaad la xiriirtaa Adeegyada Degaanka ee Degmada si ay kaaga ururiyaan dhammaan alaabada aadan u baahnayn oo dhan.
Maxaa laga yeelayaa hawlaha aan gurigayga ka qabtay?
Haddii aad fujisay alaabo aan annagu guriga ku dhejinay waa inaad meeshoodii ku celisaa, marka laga reebo waxyaabaha aan ku heshiinay inaan sidoodii lagu celinayn markii lagu siinayay oggolaanshaha fulinta hawshaas. Haddii aadan alaabtaas sidoodii ku celin waxaan kugu dallacanaynaa kharashka lagu celinayo iyo weliba waxyeellada meesha soo gaartay. Marka aad guriga ka guureysid waxaad codsan kartaa qaar ka mid ah hagaajimaha aad guriga ku samaysay haddii markii aad ku sameynaysay hagaajimahaas aynu isku afgaranay inaad hawshaas fulisid. Eeg Hagaajinta gurigaaga.
Maxaa dhacaya haddii aan guuro aniga oo kiro la igu leeyahay?
Markasta waxaa ku saaran mas’uuliyadda wixii lacag ah oo aan kugu leenahay. Haddii aadan nala samayn hab aad lacagtaas dib ugu bixinaysid waxaan aadaynaa maxkamadda si aan khasab kaaga dhigno inaad lacagtaas bixisid.
Soo afjaridda kiradaada
- Ogeysiis. Ka hor inta aaadan guriga ka guurin waa inaad buuxisaa foomka soo afjaridda kirada oo aad na siisaa ugu yaraan 28 maalmood.
- Furayaasha. Waa inaad furayaasha ku soo celisaa marka u horreysa oo aad guriga ka guurtid. Haddii aadan sidaa yeelin waxaa dhici karta inaad kirada bixisid ilaa furayaasha laga soo celinayo iyo weliba kharashka furaha lagu beddelay.
- Dayactirka. Waa inaad fulisaa dhammaan wixii dayactir ah oo aad adigu mas’uul ka tahay ka hor inta aadan guriga ka guurin. Waan baari doona guriga, hawlaha aad ka tagtayna waan kugu soo dallacanaynaa.
- Bannaynta iyo nadiifinta guriga. Waa inaad guriga ka urursataa alaabtaada oo dhan ka dibna nadiifisaa. Waan kugu soo dallacanaynaa wixii alaab ururin ama nadiifin ah oo aan samayno marka aad tagto ka dib. Waxaad codsan kartaa lacagta nadaafadda ‘clean flat’ oo ah lacag la bixiyo marka aad furaha dhiibeysid. Waxaa kaloo dhici karta inaan ku siino lacagta daahyada aad ka tagtay qaarkood.
- Qof kasta waa inuu baxaa. Dhammaan dadka gurigaag ku nool waa inay kula guuraan ha noqdeen kuwo caadi kuula deggan ama kuwo aad guriga ka sii kireysatay.
Liiska hubinta marka la guurayo
Inta aadan furaha dhiibin waa inaad hubisaa arrimaha soo socda:
- inaad bixisay kirada iyo kharashka kale ee aan kugu leenahay
- in gurigu nadiif yahay oo aad tirtirtay meelaha alaabta la saaro, dariishadaha dhinacyadooda, alaabta jikada iyo dhulkaba
- in la ururiyay dhammaan alaabta guriga, katiifadda iyo wixii kale oo aad adigu leedahay oo ay ku jiraan maqsinka yar ee beerta iyo kan dusha sare, iyo in aan wax qashin ah looga tegin guriga ama beerta
- in aad samaysay dayactirka iyo dib u habaynta aad adigu mas’uulka ka ahayd
- in aad la xiriirtay shirkadaha gaaska, korontada iyo telefoonada. Hayso tirada ku qoran koontatooraha si aad u ogaatid biilkaagii u dambeeyay
- in aad u sheegtay Xafiiska Canshuuraha ee Dawladda Hoose inaad guurayso
- in aad furatay dhammaan alaabta gaaska ku shaqaysa ee aad qaadanaysid oo ay ku jiraan cunto kariyayashu
- in aad habaysatay in waraaqahaaga boostada laguu soo wareejiyo
- in haddii aad codsatay Gunnada Guryaha aad u sheegtay Hay’adda Gunnooyinka iyo Kooxda Gunnooyinkaba inaad guurayso oo aad siisay cinwaankaaga cusub.
