Buuqa iyo qaylada
Heshiiska Kiradu wuxuu dhigayaa in aan kireystayaashu buuq u keeni karin deriskooda. Buuqa waxaa ka mid ah shanqarta joogtada ah ee dadka dhibka u keenta sida muusigga dheer, eeyda, baabuurta iyo xafladaha.
Weydiimihiinii oo laga jawaabay
Tallaabo noocee ah ayaan ka qaadi karaa buuqa deriska?
Sida badan dadku maba oga inay dadka kale dhibayaan. Isku day inaad si haboon deriskaaga dhibaatada ugu sharaxdid, xitaa haddii uu qof qoyskooda ka mid ah ama qof booqde ahi dhibaatada geysto. Eeg Waxa la yeelo. Haddii xaaladdu ka soo reyn weydo la xiriiir Xafiiska Xaafadaada si uu talo kuu siiyo. Tallaabo ayaan qaadaynaa, haddii loo baahdo tallabo sharci ah ayaan qaadaynaa. Siyaabo kala duwan ayaan ula dhaqanaa akhlaaq xumida iyo hanjabaadda. Eeg Akhlaaq xumada iyo hanjabaadda.
Maxaa laga qaban karaa qaylada dabaqayada iyo guryaha isku xiran?
Dadka deriska ah waxaa laga sugayaa inay isu dulqaataan oo ay si ixtiraamaan. Eeg Deris wanaagnimada. Dabaqyadu si fiican codka uma celin karaan, qayladana si fudud ayaa dhulka iyo darbigaba looga dhex maqli karaa. Si kastase ha ahaatee kireystayaal badan ayaan ogeyn inta uu le’eg yahay codka dhismayaasha kale laga maqli karo. Eeg Waxa la yeelo.
Qaylada eeyda maxa laga yeeli?
Kireystayaashu waa inay xayawaankooda gacanta ku hayaan. Haddii ay ku dhibaan eey iska wareegaysa la xiriir Ilaaliyaasha Xayawaanka ee Degmada (the Council’s Animal Warden). Meelo saxarada lagu rido iyo musqulo eey ayaa xaafadaha oo dhan ku yaal. Si kastase ha ahaatee haddaad aragtid saxaro eey oo nadiifin u baahan waan nadiifinaynaa.
Xafladaha iyaga maxaa laga yeeli?
Gurigaaga xaflad waad ku qabsan kartaa haddii aadan dhibaato iyo ciriiri u geysanayn deriskaaga. Ka hor inta aadan xafladda dhigan waa inaad deriskaaga kala hadashaa waxa aad rabtid inaad samaysid. Haddii xafladda la baafiyay ama lacag lagu gelayo kireystuhu wuxuu jabiyay heshiiska kirada, tallaabo ayaanuna ka qaadaynaa.
Waxa la yeelo
La hadal deriskaaga. Marka dadku ay ku nool yihiin guryo aad isugu dhow isma oga in qofba qofka kale dhibayo. Waa inaad si dabacsan ugu sharaxdaa inay dhibaato kugu hayaan.
La xiriir Xafiiska Xaafadaada. Haddii dhibaatadu sii socoto nala soo xiriir. Waxaan u baahan doonaa caddaymo dhibaatada ku saabsan sidaa awgeed waa inaad dhacdooyinka xusuus-qor ku ururisaa. Macluumaadka oo dhan si qarsoodi ayaan u haynaynaa.
Haddii dhibaatadu ay la xiriirto qaylo sida xaflad oo kale, la xiriir Adeegga Qaylada ee Dawladda Hoose (Council's Noise Service). Tallaabo adag ayay ka qaadi karaan kiisaska dhabta ah.
Deris Wanaagnimada
- Mar kasta la soco codka raadiyayaasha iyo telefishinadaba. Qalabkaan ha ku jeedin derbiyada la wadaago. U googol derin caag ah ama katiifad.
- Isku day inaad dhismaha ama hawlaha kale ee gurigaba aad qabsatid waqtiyada macquulka ah ee maalinnimada.
- Yaree codka gurigaaga gudihiisa ama agagaarkiisa ka soo baxa inta u dhexeysa 9ka fiidnimo ilaa 8da aroornimo.
- Haddii aad eey haysatid ha u oggolaan inuu si joogto ah uga qayliyo guriga, balakoonka ama beerta, saxaradiisana ururi.
U sii dig deriska haddii aad wax qaylo dheer samaysanaysid sida: darbi dalooliska, dubbe garaaca ama xafladaha.- Ku dadaal in carruurtaadu ay ogyihiin sida ciyaartoodu ay deriska u saamaynayso.
- Shanqarta yaree marka aad habeenkii goor dambe soo hoyanaysid. Xoog ha u xirin albaabada baabuurka, hoonka baabuurka ha ka dhawaajin hana la qaylin saaxiibadaa.
