Hababka kale oo loo guuro

Weydiimihiinii oo laga jawaabay

Kireyste kale gurigeyga ma ka beddelan karaa?

Haa. Kala beddelaashadaan waxaa loo yaqaan kala beddelasho wadajir ah (mutual exchange). Ka hor inta aysan hawsha bilaabin, kireystayaashu arrintaani khuseysa waa inay codsi qoraal ah u gudbiyaan milkiilohooda si ay oggolaansho u helaan. Kala beddelashadu way ka duwan tahay ku wareegista guri kale adigoo liiska sugidda ku jiray. Eeg Habka kireyste kale guriga looga beddesho.

Sidee ayaan ku helayaa qof aan guryaha kala beddelano?

Adiga ayay korkaaga tahay sidii aad ku heli lahayd qof aad guryaha kala beddelataan. Waxaan boorarka ogeysiiska ama buugaagta yaal Xafiiska Xaafadaada ku soo qornaa kireystayaasha kale ee danaynaya guryo beddelashada. Waa inaad foom buuxisaa haddii ad rabtid in magacaaga lagu daro boorka ama buugga. Kala beddelashada guryaha waxaa kaloo lagu ogaan karaa adigoo qof ka maqlay, ogeysiisyada dukaamada ama xayaysiiska wargeysyada.

Ma u guuri karaa meel Hackney ka baxsan iyo meel kale oo dalka ka tirsan?

Haa. Waxaa jira nidaamyo dhowr ah oo gaar ah oo aad codsan kartid. Eeg Nidaamyada gaarka ah ee loo guuro. Waxaad kaloo codsan kartaa nidaamka GURI BEDDELASHADA dalka oo dhan ah. Foomka waxaad ka heli kartaa Xafiiska Xaafadaada. Degmooyin iyo iskaashatooyin guryo oo faro badan ayaa iyaguna leh liiska kala beddelashada. Waxaan kaa caawin karnaa sidii aad ku heli lahayd cidda aad la xiriireysid.

Haddii aan guriga beddesho Xaqa Gadashadu ma ii sii jirayaa?

Haddii aad guryaha kala beddelataan qof kireyste ka ah Degmada Hackney ama Degmo kale, sida caadiga ah xaqaani waa kula soconayaa. Eeg Gadashada gurigaaga. Haddii aad kala beddelataan kireyste iskaashato guryo waxaa suurogal ah inaad xaqaan lumiso.

Habka kireyste kale guriga looga beddesho

Kala beddelashada wadajirka ahi waa marka labo kireyste ama ka badani ay guryaha kala beddeshaan. Waxaad guryaha kala beddelan kartaan:

Waa inaad warqad noo soo qortaan adiga (iyo milkiilihii kale ee arrintu khuseyso) si aad u heshaan oggolaansho kala beddelasho. Kuuma diidayno haddii aan sabab cadi jirin.

Ka hor inta aadan go’aansan inaad guriga u guurto, waxaa lagama maarmaan ah inaad guriga iska soo fiiriso. Marka aad kala beddelanaysaan waa inaad oggolaataa inaad guriga ku qaadatid sida looga tegay. Adiga ayaa mas’uul ka noqonaya wixii is beddel iyo hagaajin ah oo qofka kaa beddeshayi uu guriga ku sameeyay.

Haddii lagugu leeyahay lacagta kirada ee Degmada, laguuma oggolaan doono inaad guurtid ilaa aad lacagtaas iska bixisid.

Waa sharci darro inaad qof lacag siisid si aad ugu dhiirrigelisid inuu guriga kaa beddesho. Haddii arrintaani ay dhacdo dadka sameeyay oo dhan ayaa guryaha laga saari karaa.  Haddii aad guri beddelatid adigoo aan oggolaansho weydiisan waxaa lagugu khasbi karaa inaad dib u soo guurtid.

Nidaamyada gaarka ah ee loo guuro

Si dadweynaha ku jira liiska sugidda ee Hackney looga caawiyo inay dhakhso guryo u helaan, ayaa la sameeyay nidaamyo dhowr ah oo guurista lagu dhiirigelinayo.

Si aad u heshid faahfaahin dheeraad ah oo nidaamyada ku saabsan la xiriir Kooxda Adeegyada Kabidda ee Degmada.