Haraaga kirada
Haddii aan kiro kugu leenahay, dhakhso wax uga qabo. Waxaan doonaynaa inaan ku caawino, hase yeeshee haddii aadan dhibaatada nagala hadlin waxaad halis u tahay inaad gurigaaga waydo.
Weydiimihiinii oo laga jawaabay
Maxaa dhacaya haddii ay dhibaato iga haysato bixinta kiradayda?
Haddii dhibaatadu ay xagga lacagta tahay, muddo go’an ama si joogt ahba, la xiriir Xafiiska Xaafadaada. Wax kasta oo aan awoodno waan samaynaynaa si aad dhibaatada uga kabatid. Hase ahaatee, kama fursanayno inaan maxkamad kuu gudbino haddii aadan kirada iska bixin. HADDA WAX SAMEE, oo iska ilaali halista ah inaad gurigaaga waydo.
Sidee ayaan u yarayn karaa haraaga kirada?
Nala soo xiriir. Innagoo wadajirna ayaan gaari karnaa heshiis aad si joogto ah ugu bixinaysid lacagta aad awoodid inaad bixisid.
Maxaa dhacaya haddii aan caadaysto in aanan kirada bixin?
Haddii aad caadaysatid in kiro lagugu lahaado waxaan kuu soo diraynaa digniin qoraal ah. Haddii aadan samayn isku day dhab ah oo aad amaahda dib isaga bixinayso waxaan maxkamadda weydiisanaynaa inay noo oggolaato inaan gurigaaga dib ula wareegno (adiga iyo qoyskaagaba aan guriga ka saarno). Eeg Gurigaaga waad waayi kartaa.
Waxay ila tahay in haraaga xisaabtaydu ay qaldan tahay. Maxaan samayn karaa?
Haddii ay kula tahay in haraaga xisaabtaadu uu qalad yahay, fadlan nala soo xiriir. Baaritaan ayaan xisaabta ku samynaynaa ka dibna waxaan ku siinaynaa bayaan ku saabsan xisaabtaada kirada. Haddii ay haraagu qalad yihiin annaga ayaa saxayna. Haddii ay sax yihiina waxaan kuu faahfaahinaynaa meesha uu haraagu ka yimid.
Kiro haraa ah ayaa la igu leeyahay sababtuna waa iyadoo aan Gunnadaydii Guryaha la bixin. Maxaan samayn karaa?
Adiga ayaa ka mas’uul ah codsiga Gunnadaada Guryaha. Waa lagama maarmaan inaad sida ugu dhakhsaha badan u codsatid oo aad bixisid dhammaan macluumaadka loo baahan yahay si gunnada laguugu bilaabo. Haddii ay dhibaato ku haysato la soo xiriir Xafiiska Xaafadaada si uu kuula taliyo. Taageeradaada ayaan meesha u joognaa.
Maxaa la sameeyaa
La soo xiriir Kooxda Guryaha ee Xaafadda. Qof kasta dhibaato lacageed way qabsan kartaa waqtiyada qaarkood. Sidaa darteed haddii ay kugu adkaato bixinta kiradu si dhakhso ah noogu soo sheeg. Wax kasta oo aan kugu caawin karno waan samaynaynaa.
Haddii aad ogtahay in dhibaato kaa haysato bixinta kirada ama aad heshay warqad annaga naga socota oo kirada ku saabsan, waa inaad si degdeg ah ula xiriirtaa Xafiiska Xaafadaada. Qof ka mid ah Kooxda Xafiiska Xaafadaada ayaa kaala hadlaya haraaga kirada oo ku siinaya talooyin ay ka mid yihiin sidii aad gunnooyin u codsan lahayd.
Haddii ay ku haysto dhibaato dayman la xiriirta waxaan kuu gudbin karnaa urur kale oo ku siin kara talooyin gaar ah.
Haddii aadan awoodin inaad lacagta lagugu leeyahay oo dhan iska bixisid waxaan kula geli karnaa heshiis aad lacagta ku bixnaysid oo ku salaysan dakhligaaga. Arrintaani waxay noqonaysaa inaad in muddo ah oo ku eg ilaa amaahdu ka dhammaanayso aad kiradaada lacag dheeraad ah ku dartid.
Gurigaaga waad waayi kartaa
Tallaabo sharci ah ayaan kaa qaadaynaa haddii aadan kirada aan kugu leenahay iska bixin ama aadan ilaalin wixii heshiis ah oo aad nala gashay oo dib u bixinta ku saabsan.
Waxaan digniin qoraal ah u soo diraynaa adiga iyo ciddii kirada kula wadaagta. Waa inaad si degdeg ah noola soo xiriirtaa. Hadba sida ugu dhakhsaha badan ee aad noola soo xiriirtid ayay u yaraanaysaa fursadda aan maxkamad kuugu gudbinaynaa.
Haddii aadan samayn wax isku day ah ood ku bixinaysid ama ku yaraynaysid kirada hartay, maxakamad ayaan arrinta u gudbinaynaa:
- waa inaad bixisaa kharashka maxkamadda haddii maxkamadda ay la noqoto inaad adigu qaldanayd
- lacagtii aan kugu lahayn sideedii ayaa lagaaga rabaa inaad isaga bixisid
- waxaa suurogal ah inaad inaad xuquuqaha qaarkood weydid sida Xaqa Gadashada ama xaqa aad u leedahay inaad gurigaaga guri kale ku beddelatid
- waxaa laga yaabaa in adiga iyo qoyskaagaba guriga la idinka saaro iyadoo ay dhici karto in laguu tixgeliyo inaad adigu si ula kac ah guri-laawe isaga dhigtay.
