Bixinta kirada
Waxaa lagama maarmaan ah inaad kirada waqtigeeda ku bixisid. Kiradu waa lacagta lagu bixiyo adeegyada laguu qabto. Lacagtu waa inay na soo gaartaa usbuuc kasta ugu dambayn maalinta Isniinta. Haddii aad kirada labadii toddobaadba mar ama bil-bil u bixisid waa inaad hormaris ka dhigtaa, gadaal ka bixin lama oggola Habka ugu fudud oo lagu bixiyaayi waa in bankiga toos loogala baxo (Direct Debit).
Weydiimihiinii oo laga jawaabay
Immisa lacag ah ayaan bixinayaa, muddo intee le’eg ayaanana ku bixnayaa?
Kiradaadu waxay ku salaysan tahay nooca iyo ballarka guriga aad ku nooshahay iyo adeegtada aad heshid. Lacagta kirada waa in la bixiyaa usbuuc kasta maalinta Isniinta. Eeg Sida loo bixiyo. Haddii aad jeeg ku bixinaysid Jeegagga waa in lagu qoraa magaca “London Borough of Hackney”(ama “The Post Office Ltd” haddii aad boostada ka bixinaysid). Gadaal uga qor magacaaga, cinwaankaaga iyo lambarka xisaabta kirada.
Lacagta aad bixinaysid waxay ka kooban tahay kiradaada usbuuca iyo kharashka biyaha. (Canshuurta Degmada si gooni ah ayaa loo baxshaa). Guryaha qaarkood waxaa ku jira kharashka adeegga iyo nadiifiyaha ama kharashka diirinta meelaha la wadaago. Haddii aan kugu leenahay kiro ama kharashka ku baxay burbur aad gurigaaga ama guri hore u geysatay, kharash dheeraad ah ayaad usubuuc kasta bixinaysaa ilaa inta lacagtaasi ka dhammaanayso. Kiradaada waxaa kaloo ku jira lacag yar oo kor-socod ah taasoo lagu rido sanduuq bixiya deeq loo fidiyo ururrada kireystayaasha ee degmada.
La socodka lacagta aan bixiyo
Markasta oo aad lacag bixisid waxaa lagu siin doonaa caddaynta lacag bixinta lamabarka tixraaca (inaad banki, telefoon ama jeeg boosto ku bixisay mooyee). Caddayntaas dhigo meel aamin ah mar kastana hubi in ay isku toosan yihiin. Bayaan xisaabtaada ku saabsan ayaad 3dii biloodba mar helaysaa, hase yeeshee markaad doontid ayaa bayaan weydiisan kartaa Xafiiska Xaafadaada.
Kirada aan bixiyo ma la kordhinayaa?
Sannadkii mar ayaa dib loo eegaa heerarka kirada. Haddii kiradaada la korodhinayo warqad ayaan kuugu soo sheegaynaa ugu yaraan 4 usbuuc ka hor inta aysan bilaabman. Sida caadiga ah kirada kordhinteedu waxay bilaabantaa 1da bisha April.
Sida loo bixiyo
(Cinwaanada, telefoonada iyo waqtiyada ay furan yihiin ka eeg Warqadda xiriirrada.)
- Jeeg joogto ah (direct debit). Foomka waxaad ka heli kartaa xafiiska Xaafdaada. Waxaad u bixin kartaa toddobaadkiiba mar, labadii toddobaadba mar ama bishiiba mar.
- Xafiis kasta oo Boosto, dukaan kasta ama garaash kasta oo ay ka muuqato calaamadda Barta bixinta (Paypoint). Waa inaad caddaan ku bixisaa adigoo wata kaarka kiro bixinta. Waxaa lagu siinayaa caddaynta bixinta.
- In bankigaaga aad ka bixisid. Waxaad qori kartaa kaambiyaale ama waxaad wici kartaa (ama internetka ayaad ka bxixin kartaa haddii aad leedahay nidaamka bankiga internetka). Waa inaad siisaa lamabarka koontadayada oo ah (61155033), iyo calaamadda oo ah (08-90-30) iyo koontadaada iyo calaamadeeda iyo lacagta aad rabtid inaad bixisid.
- Banki kasta. Waa inaad Foomka Daymaynta Koontada ku buuxisaa lambarka xisaabtaaada kirada iyo koontadayada iyo calaamadda. Kor eeg.
- Intenetka oo ah www.hackneyhomes.org.uk. Waa inaad kaarkaaga dayminta ama qaamaynta siisaa iyo lambarka koontadaada kirada.
- Isticmaalidda kaarkaaga dayminta ama qaamaynta. Wac 24ka saac lambarka furan ee 020 8356 5050 ama Xarunta Xiriirka ee Degmada 020 8356 3000 (saacadaha shaqada) ama wac Xafiiskaaga Xaafadda.
- Mid ka mid ah Xafiisyadayada Lacagta ee Degmada. Waxaad ku bixin kartaa caddaan ama jeeg ama adoo isticmaalaya kaarka bankiga. Waa inaad wadataa kaarka kirada lagu bixiyo. Cinwaanka ka eeg Warqadda xiriirrada.
- Boostada iyadoo lagu hagaajinayo Xafiiska Lacagta ee Aqalka Degmada. Fadlan ku talogal in 7 maalmood ay lacagtu nagu soo gaarayso. Ku soo dir jeeg banki ama jeeg boosto (lacag caddaan ah ha soo dirin).
- Lacag goosasho joogto ah. Waxaan diyaarin karnaa in mushahaarkaaga ama gunnadaada kirada laga goosto. Maareeyahaaga Guryaha ayaa arrintaan kuu faahfaahin karaa. Cinwaanada ka eeg Warqadda xiriirrada.
