Mas’uuliyadda dayactirka kaa saaran
Mas’uuliyadaha guud ee ku saaran
Waxaa ku saaran mas’uuliyado guud oo ay ka mid yihiin:
- inaad gurigaaga ka dhigtid mid nadiif ah oo gudaha ka qurux badan oo aad hagaajisid dildilaaca iyo godadka yaryar ee darbiyada iyo saqafkaba
- inaad tallaabo qaadid si aad uga hortagtid inaan tuubooyinka wasakhda qaadaayi (oo ka qaada suxuunta musqusha iyo jikadau) ama bullacaduhu aysan u xirmin. Eeg Tusaalooyin fiican
- inaad noo oggolaatid inaan gurigaaga soo galno si aan uga fulino hawlo dayactir iyo baaritaanka sannadlaha ah ee lama huraanka ah oo ammaanka lgu hubinayo
- inaad samaysid alaabta guriga ku rakiban ama kuwa aad adigu keentay oo ay ka midka yihiin qashinka, tuubooyinka dheeraadka ah, marawaxadaha qasaaladda, makiinadda suxuunta dhaqda iyo qallajiyayaasha
- inaad qaadid tallaabo aad kaga hortagtaysid oo ku xakamaynaysid dhededa adkaata. Eeg Tusaalooyin fiican
- inaad qaadid tallaabooyin aad kaga hortagtaysid in tuubooyinku barafoobaan ama qarxaan, adigoo sida badan isticmaalaya nidaamka diirinta ee aad haysatid iyo tuubooyinka arrimahaas loogu talagalay
- inaad ku dadaashid in qof gurigaaga ku nool ama mid ku soo booqdayi uusan guriga wax waxyeello ah u gaysan.
Waxyeellada iyo lacag soo dallacashada
Haddii adiga ama qof kasta oo kale oo gurigaaga jooga (oo ay ku jiraan booqdayaasha iyo carruurtu) ay waxyeello u geystaan guriga aad deggan tahay waxaan kaa dhowaraynaa inaad hagaajisid ood adigu aad bixisid lacagta lagu hagaajinayo.
Adiga ayaa keeni kara qaandaraasle fiican oo hawsha qabta ama annaga ayaad naga codsanaysaa inaan hawsha fulino. Haddii aad rabtid inaan annagu samayno waa inaad bixisaa kharashka oo dhan ka hor inta aanaan hawsha bilaabin. Haddii sababo ammaanka iyo badbaadada la xiriira awgood aan u samayno dayactir aad adigu mas’uul ka ahayd, waxaa laga yaabaa inaan hawshaas kharashkeeda kugu soo dallacano.
Haddii waxyeelladu ka timid jabsasho ama kharribaad, waxaa laga yaabaa inaan dayactirno laakiin inaad lacagta kharashka bixiso ayaa dhici karta. Si kastase ha ahaatee haddii aad Booliska ka soo qaadatid Lambarka Gudbinta Danbiga (Crime Report Number) waxaa laga yaabaa inaad kharashka dayactirka ka soo ceshatid caymiskaaga alaabta guriga.
Haddii aad go’aansatid inaad guriga ka baxdo waxaan kugu dallacanaynaa dhammaan wixii dayactir ah oo gurigu u baahdo oo dayacaadaada ka dhashay.
Mas’uuliyadda gurigaaga kaa saaran
Waxaad mas’uul ka tahay inaad ilaalisid nadaafadda iyo quruxda gurigaaga iyo waliba qaar dayctirka ka mid ah:
- beddelka furayaasha lumay ama la xaday iyo beddelka qufulka haddii uu xirmay.
- rakibidda qufullo, gambaleele, sanduuqa boostada, daloolka albaabka iyo birta albaabka lagu garaaco oo dheeraad ah.
- beddelista guluubyada nalalka
- hagaajinta ama beddelista biraha daahyada
- dayactirka xayndaabyada gaarka ah ee u dhexeeya beeraha deriska iyo dhabbo kasta oo albaabkaaga soo gasha marka laga reebo midda wayn ee guud.
- beddelidda meesha la geliyo warqadda musqusha
- inaad isku daydid bannaynta meelaha xirma ee tuubooyinka qashinka ama musqulaha
- dayactirka jeexjeexa yaryar ee nuuradda derbiyada ama darbiyada alwaaxa ah
- beddelidda bareesooyinka ama birta musqusha qubayska, suxuunta qubayska iyo kan weelasha lagu dhaqoba
- beddelista bateriyada qiiq uriyayaasha bateriga ku shaqeeya
- beddelidda gogosha dhulka sida marmarka, katiifadda ama alwaaxa .
Haddii aad waayeel tahay ama naafowday oo aadan haysan qof ku caawiya, hawlaha qaar ayaan kuu qabanaynaa ama waxaan kugu xiraynaa ururro ku caawin kara. Haddii aad mas’uuliyadaha qaarkood ka shakidid la xiriir Xarunta Xiriirka Guryaha.
