Halbeegyada dayactirka

Weydiimihiinii oo laga jawaabay

Waa maxay halbeegga dayactir ee aan filan karo?

Qaandaraaslayaasha la shaqeeya Degmada Hackney oo dhan waa inay hawlaha dayactirka uga jawaabaan si haboon oo waxtar leh. Farsamayaqaanadooda iyo qaandaraslayaashooda hooseba waa inay raacaan hab dhaqameed gaar ah marka ay gurigaaga gudihiisa ama aagiisa ay ka shaqaynayaan. Eeg Waxa aad filan kartid. Iyadoo ay sidaas tahay ayaan dhankaaga ka sugaynaa inaad u fududaysid inay shaqadooda si wacan u gutaan. Eeg Iskaashigaaga waa loo baahan yahay.

Maxaan samaynayaa haddii aanan adeegga ku qancin?

Haddii uusan dayactirku ku dhammaan muddada loo qabtay ama aadan ku qancin hawsha la qabtay ama adeegga la fidiyay fadlan la xiriir Xarunta Xiriirka Guryaha ama TMO. Ka eeg Warqadda xiriirrada. Si fiican ayay u baarayaan si ay u hubiyaan in shaqada loo qabtay si waafaqsan halbeegga iyadoo aan lala daahin. Haddii aadan ku qanacsanayn jawaabta cabashadaada lagaa siiyay waa inaad raacdaa nidaamkayaga cabashooyinka. Eeg Cabashooyinka.

Ma baartaan tayada farsamayaqaanada?

Waxaan samaynaa baaritaaan tayo oo joogto ah si aan u hubsano in qaandaraaslayaashayadu ay shaqo wacan qabanayaan. Baaritaankaani wuxuu noqon karaa booqasho aan ku nimaadno meesha shaqadu ka socoto si aan shaqada u aragno ama waxay noqon kartaa telefoon aan u soo dirno kireystayaasha annagoo weydiinayna sida loo qabtay shaqadii u dambeysay. Qof kasta oo hawl loo qabtay ma booqano oo telefon uma dirno. Guryaha ayaan marba qaar ka dooranaa.

Waxa aad filan kartid

Farsamayaqaanada gurigaaga ka shaqaynayaayi si xirfad sare leh ayay kuula shaqaynayaan. Waa inay:

Farsamayaqaanada looma oggola:

Iskaashigaaga waa loo baahan yahay

Waxaa lagaaga baahan karaa inaad waxyaabo gaar ah samaysid oo aad u diyaargarowdid booqashada farsamayaqaankayaga.