Soo sheegista dayactirka
Wixii dayactir u baahan waxaad u soo sheegi kartaa Xaruntayada Xiriirka Guryaha 24ka saac ee maalinta, 7da maalmood ee usbuuca. Fadlan na sii macluumaadka ugu badan oo aad naga siin kartid dayactirka aad u baahan tahay.
Weydiimihiinii oo laga jawaabay
Yaan kala xiriirayaa dayactirka?
Sida ugu fiicani waa adigoo telefoon u soo dira Xarunta Xiriirka Guryaha ama TMO.
Sidoo kale waxaad tegi kartaa Xafiiska Xaafadaada oo isticmaali kartaa telefoonka bilaashka ah ee soo dhoweynta yaal. Marka aad daycatir soo sheegeysid fadlan noo sheeg macluumaadka ugu tirada badan oo aad noo sheegi kartid.
Hadday degdeg tahay maxaan samaynayaa?
Haddii ay jiraan wax degdeg ah waqti ka baxsan saacadaha shaqada waa inaad wacdaa Xarunta Xiriirka Guryaha ama ‘xaaladaha degdegga ah ee saacadaha dambe’ ee TMO. Eeg Warqadda xiriirrada. Markasta waxaa jooga shaqaalaha gargaarka dedegga oo diyaar ah. Waa inaad hubtaa in xaaladdu ay degdeg dhab ah tahay, waayo haddii aad noo soo wacdid macno la’aan ama aadan guriga joogin marka aan kuu soo jawaabno waxaa lagugu dallacanayaa waqtiga farsamayaqaanka aad ka lumisay.
Haddii aan u baahano in aan gurigaaga soo galno annagoo hawl degdeg ah fulinayna oo aan wayno meel aan kaala xiriirno ama aad sabab la’aan noo diidid inaan guriga soo galno waan jabin doonaa guriga.
Yaaa dayactirka fulinaya?
Waxaa jira qaandaraaslayaal kala duwan oo ka hawlgala meelo kala duwan oo Hackney ah. Qaar waa qaandaraaslayaal guud qaarna waa qaandaraaslayaal waxyaabo gaar ah qabta. Dhammaan farsamayaqaanada dayactirku waa inay aqoonsi wataan. Markasta hubi aqoonsigooda oo haddii aad shakidid wac Xarunta Xiriirka Dayactirka ama TMO. Farsamayaqaanadu waa inay si adag u raacaan astaanta anshaxa marka ay gurigaaga ka shaqaynayaan. Eeg Halbeegyada dayactirka.
Waxyaababa aan u baahannahay inaan ogaano
- Alaabtee dayactir ama beddelid rabta?
- Maxay tahay dhibaatadu tusaale ahaan: shaygu ma dabacsan yahay, ma waxbaa daadanaya mise waxbaa jaban?
- Maxaa dhibaatada keenaya?
- Dhibatadu waa xaggee: gudaha hadday tahay qolkee, ama dibadda ka xaggee?
- Ma tilmaami kartaa shayga: noociisa, ballarkiisa, qaabkiisa ama midabkiisa?
- Muxuu ka samaysan yahay: alwaax, bir mise caag?
- Dhibaatadu immisay baaxad le’eg tahay: aagga ama dhererka ay saamaysay?
- Ma keenaysaa dhibaato ama burbur kale?
Marka aad na soo wacaysid
Noo sheeg magacaaga, cinwaankaaga lambarka telefoonkaaga iyo faahfaahinta waxa aad rabtid in la sameeyo.
Dhibaatada ayaan kaala hadlaynaa ka dibna waxaan kuu sheegaynaa:
- in shaqada dhakhso loo qabanayo iyo in loo baahan yahay qiimeeye soo eega waxyaabaha loo baahan yahay in la qabto
- haddii la dalbay, qaybta ka jawaabista ee ay galayso
- lambarka shaqada ee aad ka hubin kartid marka farsamayaqaanku yimaado.
Ku heshiinta waqtiga
Waxaan ka wada hadlaynaa waqtiga maalinimada ah ee guriga lagaa heli karo si farsamayaqaanku uu hawsha u fuliyo.
Dhammaan xaaladaha degdegga ah iyo kuwa caadiga ah ee dayactirka waxaan ku heshiin doonaa waqtiga uu farsamyaqaanku imaanayo oo noqon doonta subax cayiman (8da aroornimo – 1da duhurnimo) ama galabnimada (12ka duhurnimo – 4.30ka galabnimo). Haddii aadan joogin waqtigii aan ballanay shaqada waa la joojinayaa. Waa inaad mar kale dayactirka noo soo sheegtaa.
Shaqadii waa la fuliyay
Marka shaqadu dhammaato, farsamayaqaanku wuxuu ku weydiin doonaa inaad u saxiixdid inuu yimid si uu shaqada qabto.
