Muddada dayactirka loogu soo jawaabo

Weydiimihiinii oo laga jawaabay

Immisa ayay qaadanaysaa in dayctirka aan u baahnahay la iigu sameeyo?

Marka aad soo sheegtid wax dayactir u baahan waxaan hawsha gelin doonaa qaybta ay ku haboon tahay in looga jawaabo. Qayb kasta waxay leedahay muddo loogu talagalay in wax looga qabto. Eeg Muddooyinka aan ku soo jawaabno. Haddii aan lagama maarmaan u aragno kormeere ayaa marka hore shaqada soo arkaya. Dayactirrada oo dhan, marka laga reebo kuwa degdegga ah, waxaan ku heshiinaynaa in subax ama galab cayiman uu farsamayaqaanku ama kormeeruhu yimaado. Marka la eego Xeerarka Xaqa Dayactirka ee Kireystaha, waxaad xaq u leedahay in qaar dayactirrada ka mid ah muddo  go’an lagu dhammeeyo. Dayactirradaan waxaa loo yaqaan dayactirrada safka hore. Waan kuu sheegi doonaa haddii dayactirka aad soo codsatay uu yahay dayactir ‘safka hore’ ah. Eeg Xaqa dayactirka ee kireystaha.

Maxaa dhacaya haddii aanan joogin marka farsamayaqaanku yimaado?

Haddii farsamayaqaanku yimaado adiga oo aan guriga joogin shaqada waa la joojinayaa. Haddii aad rabtid in dayactirka la sameeyo waa inaad mar kale soo gudbisaa. Fadlan la xiriir Xarunta Xiriirka Guryaha.

Hadday degdeg tahay maxaa la samaynayaa?

Dayactirrada waxaan degdeg ka dhignaa haddii caafimaadka dadka guriga deggani uu halis ku jiro ama dhaawac wayni uu guriga soo gaaray.
Marka shaqada laga baxo waxaan wax ka qabanaa oo kaliya dayactirrada degdegga ah. Dayactirrada noocaan ahna waa loo soo sheegaa Xarunta Xiriirka Guryaha ama wac xaaladaha degdegga ah ee saacadha shaqada ka baxsan ee TMO.

Muddooyinka aan ku soo jawaabno

Markii aad  noo soo sheegtid wax dayactir u baahan waxaan qiimeynaa xaaladda iyo nooca dhibaatada, ka dibna waxaan ka dhignaa mid ka mid ah qaybaha soo socda:

Xaqa dayactirka ee kireystaha

Sida uu dhigayo Nidaamka Xaqa Dayactirku waa in aan dayactirrada qaarkood ku dhammaynaa muddo go’an gudeheed. Dayactirradaani waa kuwa haddii aan waqti go’an wax looga qaban saamayn ku yeelan kara caafimaadkaaga ama ammankaaga. Dayctirradaas waxaa loo yaqaa dayctirrada safka hore (qualifying). Waxaan ku siin karnaa buug-gacmeed ay ku taxan yihiin dayactirrada safka hore.

Haddii aan dayactirka safka hore ku dhammayn wayno muddada ku haboon waxaad xaq u leedahay inaad qaandaraasle kale hawsha u xilsaartid. Haddii qaandaraaslaha labaad uu isna imaan waayo waxaa suurogal ah inaad magdhow heshid.

Wac Xarunta Xiriirka Guryaha ama TMO haddii ay kula tahay inaad xaq u leedahay codsashada magdhowga.

Digniin. Haddii aad soo sheegtay dayactir degdeg ah waa inaad sugtaa farsamayaqaanka. Haddii aadan sugin waxaa lagugu dallacanayaa waqtigaa aad farsamayaqaanka ka lumisay.