Ka qaybgelinta kireystayaasha
Waxaa naga go’an in aan kireystayaasha ku dhiirrigelino ka qaybqaadashada go’aan gaarista si loo xaqiijiyo inaan idin siino adeegyada aad u baahan tihiin. Siyaabo kala duwan ayaan boggaan ugu sheegnay hababka ay kireystayaashu hawlaha uga qaybqaadan karaan.
Weydiimihiinii oo laga jawaabay
Maxay tahay ka qaybgelinta kireystayaashu?
Ka qaybqaadashadu waa habka kireytstayaasha iyo maareeyayaasha Waaxda Guryaha ee Hackney isugu imaan lahaayeen si ay uga wada hadlaan qorshayaasha wax looga beddelayo oo lagu hagaajinayo adeegga guryaha ee kireystayaasha loo fidiyo.
Waxaannu si firfircoon uga shaqaynaa sidii aan u dhisi lahayn habab faro badan oo kireystayaasha Hackney oo dhammi ay ra’yigooda si joogto ah ugu soo gudbin lahaayeen.
Ar a gtida dadweynaha Hackney waa in si joogto ah loo soo bandhigaa. Wax ka badan 90 Urur oo Kirestayaasha iyo Deggenayaashu leeyihiin ayaa ka hawlgala xaafadaha hackney.
Eeg Sidee kireystayaashu hawsha ugu jiraan.
Yaan kala xiriirayaa hawlaha ka qaybgelinta kireysteyaasha?
Waxaad kala xiriiraysaa Kooxda ka Qaybgelinta Kireysteyaasha, iyagaa kuu sheegi kara hawlaha la qabanayo iyo waqtiga kulamadu jiraanba.
Kooxda ka qaybgelinta Kireystayaashu waxay talo, taageero iyo tababar u fidinayaan ururrada deggenayaasha. Xaafad kasta waxay leedahay Sarkaalka ka Qaybgelinta Kireysteyaasha.
Maxa loola jeedaa Ballanka Kireystayaasha?
Degmada iyo wakiillo ka socda Ururada Kireysteyaasha iyo Deggenayaashu ayaa gaaray heshiis rasmi ah oo ku saabsan sida ay kireystayaaashu uga qaybqaadan doonaan go’aan gaarista dhabta ah ee adeegyada guryaha. Eeg Ballanka Kireystayaasha.
Sidee kireystayaashu hawsha ugu jiraan
Ururrada kireystayaasha iyo deggeneyaasha (TRAs). Ururradaan waxaa dhisay oo hawshooda wada kireystayaasha iyo deggenayaasha muddada dheer oo ku nool guryaha ay Degmadu leedahay, waxay u shaqaynayaan si ay u hagaajiyaan xaaladaha bulshada, muuqaalka iyo kuwa deegaan ee aaggooda.
Kireystayaasha aaggaasi waxay dooranayaan guddiyo TRA ah.
Golayaasha Xaafadaha (Neighbourhood Panels). Golayaashaani waa wakiilada TRA ee xaafad walba kuwaas oo si joogto ah u kulma si ay uga wada hadlaan hagaajinta adeegyada iyo arrimaha xaafadda .
Kooxda Xiriirinta Degganaha. Kooxdaani waxay kormeeraan oo ra’yi ka dhiibataan arrimaha nidaamka iyo waxqabadka la xiriira.
Kooxdu waxay ka kooban tahay Guddiyada Xaafadda iyo Haystayaasha muddada dheer iyo kooxaha deggenayaasha kale iyo xubnaha sare ee Golaha guryaha, Waaxda Guryaha ee Hackney iyo hawlwadeenno sare oo ka socda Waaxda Guryaha ee Hackney.
Ururrada Maareynta Kireystaha (TMOs). Meelaha qaarkood kooxo kireystayaal ah ayaa la wareegay maamulka dhinacyo badan oo adeegyada kireystayaasha ah tusaale ahaan, samaynta dayactirrada, kiro ururinta , iyo nadiifinta guryaha .
Golaha TMOgu wuu kulmaa si uu uga wadahadlo arrimaha la xiriira TMOyada HACKNEY.
Ballanka Kireystayaasha. Waa heshiis ay isla gaareen Degmada , Waaxda Guryaha ee Hackney iyo Wakiillada kireystayaashu . Waxaa lagu faahfaahiyay qaabka ay kireystayaasha iyo haystayaasha muddada dheeri uga qayb qaadanayaan go’aan ka gaarista guryaha iyo adeegyada kale ee la xiriira.
Habab kale oo hawlaha looga qaybqaato
Waxaa jira habab kale oo badan oo hawlaha looga qaybqaadan karo, laga bilaabo waardiye qarsoon ilaa imaanshaha baraha kulanka ama ka qaybgalka xog-baarista. La xiriir Kooxda ka Qaybegelinta Kireystaha. Eeg Warqadda xiriirrada.
