Xeerarka Macmiisha
Ujeeddadayadu waa in aan macmiishayada u gudbinno adeeg sare annagoo mar kasta macmiishayada mudnaanta koowaad siinayna. Waxaan bulshooyinka kula dhaqanaa annagoo u tixgelina baahida bulshooyinka ay ka soo jeedaan.
Xeerka Adeegga Macmiishayada
Waxaan samaynay xeer qeexaya waxyaabaha aad ka filanaysid waaxda Guryaha ee Hackney.
- Hawlwadeenadayadu waxay ahaanayaan dad furfuran oo macmiisha mar kasta si ixtiraam ku jiro ula dhaqma.
- Waxaan isticmaali doonaa Ingiriisi la fahmi karo, haddii loo baahdana turjumaan ayaan qabanaynaa.
- Guriga ayaan ku soo booqan doonaa deggane kasta oo sababo naafonimadiisa la xiriira xafiiskayaga u imaan waayay.
- Hawlwadeennadayadu waxay ahaan doonaan kuwo dadka taageera oo si daacadnimo ah macluumaad sugan u bixiya, iyagoo ujeedadoodu tahay inaad macluumaadka haboon waqti haboon heshid.
- Waan la tashan doonaa macmiisha go’aan gaaristana waan ka qaybgelin doona si adeegyada oo dhan kor loogu qaado.
- Waxaan daabici doonaa halbeegga adeegyada annagoo idiin sheegi doona heerka aan mid kasta ka marayno.
Sinnaanta fursadaha. Waxaan leenahay siyaasado iyo nidaamyo cadcad oo dhiirrigelinaya Sinnaanta Fursadaha tixgelinna siinaya baahida qof kasta oo bulshada ka mid ah. Waxaan si degdeg ah oo aan gabbad lahayn uga hortegaynaa nooc kasta oo takoorid ah.
Kasoonida. Wax kasta oo aad noo sheegtid waan ilaalinaynaa oo bannaanka uma baxayaan. Macluumaadka aad na siisid oo dhan waxay ahaanayaan kuwo qarsoodi ah. Si kastase ha ahaatee, waxaa dhici karta in waxyaabo cayiman oo lama huraan ah ay nala ogaadaan hay’adaha dawladdu (sida hay’adda Gunnooyinka, Xafiiska Canshuuraha). Waan kuu sheegaynaa macluumaadka laga yaabo inaan gudbino. Eeg Xuquuqaha kireystayaasha.
Halbeegyada adeegga
Si aan kireystayaashayada ula shaqayno waxaan adeeg kasta oo adeegyadayada ka mid ah u samaynay halbeegyo kala duduwan. Xaqiijinta halbeegyadaas hawl xoog leh ayaan ka marnaa annagoo kireystayaasha u sheegi doona heerka aan mid kasta xaqiijintiisa ka gaarnay. Halbeegyada qaar ka mid ahi waa kuwaan:
- 5 dhicid gudohood ayaan telefoonada uga jawaabi doonaa.
- marka aad qaybtayada soo dhoweynta timaadid, soo dhoweeyuhu wuxuu kuu imaanayaa 5 daqiiqo gudohood, 15 daqiiqo gudohoodna waa lagugu wareysan doonaa
- waxaan dhammaan warqadaha, fakisyada iyo e-maylda uga jawaabi doonaa si qoraal ah muddo 10 maalmood oo shaqo gudohood ah
- cabashooyinka oo dhan waxaan si buuxda uga jawaabi doonaa 15 maalmood oo shaqo gudohood
- marka naloo soo sheego summadaha ( graffiti)xadgudubka ah iyo kuwa nacaybka ku salaysan, 3 saacadood gudohood ayaan ku tirtiraynaa. Summadaha kale waxaa lagu baabi’inayaa 4 maalmood oo shaqo gudohood
- dayactirka caadiga ah waxaan ku fulin doonaa 20 maalmood oo shaqo gudohood. Dayactirka caadiga ah waxaa la sameeyaa haddii aysan jirin dhibaato iyo halis toona
- dayactirka degdegga ah waxaan ku samayn doonaa 5 maalmood oo shaqo gudohood. Dayactirka degdegga ah waxaa la sameeyaa marka ay jirto dhibaato, burbur ama halis ballaaran
- si aan ammaankaaga u ilaalinno, dayactirrada degdegga ah waxaan ku samaynaa 24 saac gudohood. Dayactirrada degdegga ah waxaa ka mid ah meel wax ka daadanayaan, biyaha oo go’a, korontada oo go’da ama bulaacadaha wasakhda oo xirma (haddii aysan musqul kale jirin)
- si aan badbaadadaada u xaqiijinno, dayactirrada gurmadka ah waxaan ku samaynaa 2 saac gudohood. Dayactirrada gurmadka ah waxaa la fuliyaa marka laga jawaabayo halis ku timaada nolosha ama jirka ama wixii kale oo degdeg ah
- haddii kireyste ama hayste muddo dheeri uu la kulmo danbi nacayb ku salaysan ama wax anshax xumo ah, waxaan wareysi ugu diyaarinaa 3 maalmood oo shaqo gudohood ama 24 saac gudohood haddii xaaladdu degdeg tahay.
Halbeegyada kale. Waxaan samaynay halbeegyo kuwaan ka faahfaahsan oo aad ka heli karatid buug-gacmeed lagu siinayo haddii aad weydasatid ama boggayaga internetka.
