Heshiiska kirada

Heshiiska Kiradu waa dukumintiga aad saxiixdid marka kiradaadu bilaabmanayso. Wuxuu ku siinayaa faahfaahinta heshiiska u dhexeeya adiga iyo Degmada Hackney. Qaybtaani waa isagii oo kooban.

Weydiimihiinii oo laga jawaabay

Maxaa dhacaya haddii aan jabiyo heshiiska kirada?

Heshiiska Kiradu waa heshiis sharciyeysan oo u dhexeeya adiga iyo Dawladda Hoose. Marka aad saxiixdo waxaad oggolaatay Shuruudaha Kirada ee heshiiska lagu faahfaahiyay. Shuruudahaasina waa xuquuqda iyo waajibaadka ay tahay in adiga iyo Degmaduba aad dhowrtaan.  Haddii aad heshiiska jabisid waxaan ka wada hadlaynaa sidii aad wax u hagaajin lahayd. Haddii dhibaatada la xallin waayo, waxaa suurogal ah inaan arrinka maxkamad u gudbino. Eeg Kirada gurigaaga.

Ma noqon karnaa kireystayaal wadaag ah?

Sida caadiga ah waxaan kirada wadaagga ah siinaa lammaanayaasha isla deggan, hase yeeshee waad u codsan kartaa qof kasta oo qaangaar ah oo kula nool inuu kiro wadaag kula noqdo. Kiro wadaagayaasha waxaa wada saaran mas’uuliyadda kiro bixinta iyo dhowrista shuruudaha Heshiiska Kirada. Eeg Isbeddelka qoyska.

Maxaa dhacaya haddii Degmada ama Waaxda Guryaha ee Hackney ay waajibaadkooda ka soo bixi waayaan?

Qof kasta oo shaqaalaha ka mid ah ayaad cabashadaada u soo gudbin kartaa. Sida badan dhibaatooyinka si dhakhso ah oo haboon ayaa loo xalliyaa ka dib marka si aan rasmi ahayn looga wadahadlo. Hase yeeshee haddii xal la gaari waayo waa inaad raacdaa nidaamka cabashooyinka rasmiga ah ee noo degsan. Eeg Cabashooyinka.

Gurigayga ma la iga saari karaa?

Haa, laakiin waa haddii kiradaadu dhammaato ama aad dhowri waydo shuruudaha Heshiiska Kirada oo kaliya, sida adigoo kirada bixin waaya ama deriska ku buuqa oo kale. maxkamadda oo qudha ayaa kugu amri karta inaad guriga ka baxdo. Haddii aan tallaabooyin rasmi ah qaadayno markasta waddo cad ayaan soo marnaa. Eeg Jabinta kirada iyo Kirada gurigaaga.

Waajibaadyada ugu waawayn ee na saarani waa:

Waxaan xaq u leenahay:

Waajibaadyada ugu waawayn ee adiga ku saarani waa:

Waxaad xaq u leedahay: