Dib u soo celinta iswiijka socda
Haddii aadan fahmin tusmooyinkaan ama aad dareensan tahay inaadan waxba samayn karin ama sanduuqaaga fuyuusyadu uu noocii hore yahay la xiriir Xarunta Xiriirka Guryaha ama TMO.
Talo guud
- Koronto qaybiyaha casriga ahi waxaa ku rakiban shaqo hakiyayaal loo yaqaan iswiijyada socda. Haddii qalad dhaco iswiijka ayaa soconaya ka dibna koronto qaybiyaha ayaa istaagaya. Haddii aad haysatid nidaamkii hore oo fiyuusyada waayirka ahaa, ha isku taaban. Annaga nala soo xiriir.
- Iswiijyada socdaayi waxay ku yaallaan barta dhuunsadaha. Barta dhuunsaduhu waxaa laga yaabaa inay ku garab taal koontatooraha korontada (haddii uusan koontatooruhu armaajada bannaanka ku jirin)
- Iswiijyada socdaayi waxay u shaqeeyaan sababtoo ah:
- koronto qaybiyaha ayaa waxaa soo galay qalab faro badan oo wuu buux dhaafsamay,
- guluub ayaa qarxay ama qalab ayaa si qalad ah loo isticmaalay ama wax noqday,
- fiilo ku xiran qalab sida telefishin, timo qallajiye ama kirli koronto ah ayaa go’day ama si qalad ah bareesada loo geliyay,
- koronto qaybiyaha ayay biyo ku daateen.
- Haddii qalab koronto uu xumaado bareesada ha gelin, ugu yeer koronto yaqaan khibrad leh ama injineeerka adeegga si ay u eegaan.
- Hubi in gacmahaagu ay qallalan yihiin marka aad taabanaysid alaab koronto ah.
Maxaa la sameeyaa
Dib u soo celinta iswiijka socda:
- fur daboolka barta dhuunsadaha si aad u aragtid iswiijyada socda,
- fiiri iswiijyada u soo guuray dhanka demiska ‘OFF’,
- iswiijyadaas dib ugu celi dhanka daarista ‘ON’.
Haddii iswiijku mar kale noqdo:
Waxay u badan tahay in ay sabab u tahay qalab xumaaday. Waa inaad heshaa koronto qaybiyaha ay arrintaani saamaysay iyo qalabka koronto qaybiyahaas ku xiran oo dhibka keenaya.
Sida lagu helo qalabka ama bareesada xumaatay:
- hubi dhammaan qolalka guriga oo fiiri qaybta nalalka iyo bareesooyinka aan shaqaynayn
- bareesada ka wad bixi dhammaan qalabka qaybta dhibku ka imaanayo ku rakiban oo dami diiriyaha
- ku celi iswiijka ‘socda’ dhanka daarista ‘ON’
- qalabkii aad bareesada ka bixisay midba mar bareesada ku celi ilaa uu mar kale iswiijku demo. (ha isticmaalin bareesooyinka lammaanaha ah inta aad hawshaan waddid)
- marka aad heshid qalabka ‘dhibka’’ waday, bareesada ka saar
- ku celi ‘iswiijka socda’ dhanka daarista ‘ON’
- geli qalabka bareeso kale
- haddii iswiijku mar kale demo dhibaatadu waxay ka socotaa qalabka - waa inaad hagaajisaa
- haddii iswiijku uusan demin - dhibku wuxxuu ka socdaa bareesadii hore - ha isticmaalin bareesadaas ee wac Xarunta Xiriirka Guryaha ama TMO.
