Kirada gurigaaga

Kireystayaasha badankood waxay haystaan Kiro Sugan. Kireystayaasha kuwooda Hackney ku cusub waxay ku bilaabayaan kiroooyin hordhac ah.

Weydiimihiinii oo laga jawaabay

Ma la beddeli karaa shuruudaha kiradeyda?

Marka laga reebo is beddellada qiimaha kirada iyo adeegyada, Degmadu waxay shuruudaha Heshiiska Kirada beddeli kartaa oo kaliya haddii aan kala tashanay adiga iyo kireystayaasha kale ee ay arrintaani saamaynayso. Eeg Wadatashiga. Si kastase ha ahaatee, haddii aad jabisid heshiiska kirada oo aan maxkamad kuu gudbinno waxaa dhici karta in maxkamaddu ay amarto in kiradaada laga dhigo kiro xanniban.

Ma deganaan karaa gurigeyga ilaa intii aan anigu rabo?

Haddii aad Hackney ku cusub tahay waxaa lagu siinayaa kiro hordhac ah, taasoo ku eg 12 bilood oo kaliya. Haddii la arko inaad dhowrtay shuruudaha kirada waxaa dhammaadka muddadaan lagu siinayaa Kiro Sugan.
Haddii aad tahay Kireyste Sugan waxaad xaq u leedahay inaad gurigaaga ku jirtid inta aad rabtid mar haddaad dhowraysid shuruudaha Heshiiska Kiradaada. Eeg Jabinta kirada. Lammaanayaasha ama qaraabada kula nool ayaa laga yaabaa in loo oggolaado inay guriga la wareegaan marka aad geeriyootid, haddii qoyskaagu burburona la kireystayaasha iyo lammaanayaasha la magacaabay ayaa iyaguna xuquuq cayiman yeelan kara. Eeg cutubka Isbeddelka qoyska.
Haddii aadan gurigaaga ku noolayn ama aadan u isticmaalin sidii gurigaagii rasmiga ahaa, waxaa suurogal ah inaad lumisid xaqa Kireyste Sugan ama aadba gurigaaga waydid.

Xuquuqahaygu maxay yihiin?

Waxaad leedahay xuquuqo heshiis iyo kuwo dastuur. Xuquuqhaaga heshiis waxaa dhammaantood lagu sharxay Heshiiskaaga Kirada waxaana dejisay Degmada Hackney. Eeg Heshiiska kirada. Xuquuqdaada dastuur waxaa dhigaya sharci Baarlamaanka ka soo baxay. Eeg Xuquuqaha kireystayaasha.

Kirooyinka hordhaca ah

Haddii aad Hackney ku cusub tahay waxaa lagu siinayaa kiro hordhac ah.  Haddii la arko inaad dhowrtay shuruudaha kirada waxaa 12 bilood ka dib lagu siinayaa kiro sugan. Kireystaha hordhaca ahi ma laha xuquuqda gadashada gurigiisa, ku beddeleshada guri kale ama sii kireynta guriga.

Kirooyinka sugan

Haddii gurigu uu ugu yaraan hal sano kuu kireysnaa, sida caadiga ah waxaad helaysaa kiro sugan. Kirada sugani waxay ku siinaysaa dhammaan xuquuqaha kireystaha. Xuquuqhaan waxaa lagu faahfaahiyay cutubka Xuquuqaha kireystaha ee.

Kirooyinka xanniban

Haddii aan u baahanno inaan maxkamad kuu gudbinno adigoo ilaalin waayay heshiika kirada awgeed, waxaa suurogal ah in maxkamaddu go’aansato inay kiradaada sugan u beddesho kiro xanniban. Arrintaani waxay saamayn ku yeelanaysaa xuquuqahaaga. Eeg Xuquuqaha kireystaha.

Jabinta kirada

Eraygaan waxaa la isticmaalaa marka aad dhawri weydid shuruudaha Heshiiskaaga Kirada, tusaale ahaan inaad kirada bixin waydo, hanjabaad aad dariskaaga u geysato ama inaad na siisay macluumaad been ah si aad guri kiro ah ku heshid.

Haddii aadan dib u sixin jabinta aad heshiiska kirada jabisay waxaa dhici karta inaan maxkamad kuu gudbino. Adiga iyo qoyskaagaba guriga ayaa laga saari karaa. Ma doonayno in arrintaani dhacdo, talo iyo taageero ayaan ku siinaynaa si aysan arrintaani u dhicin.

Haddii aan go’aansano inaan maxkamad kuu gudbino: