Ku soo dhawoow Hackney Homes
Hackney Homes waxay ku bixisaa macluumaad kala duwan Somali ahaan kaas oo kaa caawinayo fahamka adeegyada la bixiyo iyo sida aad noogala soo xiriiri karto waxyaalaha ku saabsan kireysigaada, tusaale ahaan haddii aad su’aal ka qabto kirada ama aad dooneyso in aad tebiso dayactirka gurigaada.
Buugyaraha Kireystaha ayaa ah tuse dhameystiran kaas oo sharaxayo adeegyada ay bixiso Hackney Homes iyo sidoo kale mas’uuliyadahaada kireyste ahaan.
1. Booqashada xafiiska deegaankaada ama telefoon u dirista Xarunteena Xiriirka Dayactirrada
Haddii aad u baahan tahay in aad soo booqato xafiiska xaafaddaada ama aad wacdo xarunta xiriirka dayactirrada si aad u tebiso dayayctir, waxaan kuu diyaarin karnaa tarjume kaa caawiyo. Adeegga waxaa lagu magacaabaa Language Line waana wada hadal seddax geesood ah oo u dhexeeyo adiga, tarjumaha iyo sarkaalka guriyeynta. Marka aad soo booqato xafiiska xaafaddaada waxaad arki doontaa tabeelayaal ah qadka luuqadda. Si sahlan ugu sheeg sarkaalka in aad u baahan tahay adeeggan adigoo tilmaamayo luuqaddaada ku qoran tabeelaha tarjume ayaa qadka telefoonka soo gelayaa daqiiqad gudaheed. Kooxdeena Xarunta Xiriirka Dayactirrada (Repairs Contact Centre) ayaa u tababaran in ay ku siiyaan adeeggan haddii loo baahdo.
Si aad ula xiriirto Repairs Contact Centre fadlan wac 020 8356 3691. Xaruntan waxay ayaa qabato dhammaan codsiyada dayactirka gurigaada, iyo sidoo kale meelaha la wadaago ee dhismahaada. Waxaa kale oo ay bixiyaan ballanta dayactirka gaaska waxayna kaa caawin doonaan waydiimaha ku aadan koontaroolidda xayawaanka gurijoogta ah, nadaafadda dhismaha iyo dhowrista garoonka.
Waxaa jiro afar xafiis oo ay xaafaddu leedahay gudaha xaafadda Hackney. Waxaad kala xiriiri kartaa xafiiska su’aal kasto oo la xiriirto kireysiga. Waxay caawimaad ka geysan karaan su’aalaha la xiriiro kirada, tebinta dhaqamada bulshada lidka ku ah, garaashka, nabad ilaalin, amniga, guuritaanka, lacagaha guriyeynta iyo wixii isbedel ku yimaado kireysigaada.
North East Neighbourhood Office (Stamford Hill)
Clock House
149 Stamford Hill
London N16 5LG
Wac: 020 8356 6500 (Isniin0-Jimce 9ka subaxnimo – 5ta galabnimo)
North West Neighbourhood Office (Stoke Newington)
Stoke Newington Municipal Offices
Stoke Newington Church Street
London N16 0JR
Wac: 020 8356 6151 or 6152 (Isniin-Jimce 9ka subaxnimo-5ta galabnimo)
Homerton Neighbourhood Office
92 Well Street
London E9 7JA
Wac: 020 8356 7800 (Isniin-Jimce 9ka subaxnimo-5ta galabnimo )
De Beauvoir & Queensbridge Neighbourhood Office
31 De Beauvoir Road
London N1 5SJ
Wac: 020 8356 6600 (Isniin-Jimce 9ka subaxnimo-5ta galabnimo )
Shoreditch Neighbourhood Office
1 Cropley Street
London N1 7PT
Wac: 020 8356 6705 (Isniin, Talaado, Arbaco, Jimce 9ka subaxnimo-5ta galabnimo, Khamiis 8.30ka subaxnimo-7.30ka fiidnimo)
2. Guryaha Wanaagsan (Decent Homes)
Qorshaha Guryaha Wanaagsan waa mashruuca dib u cusbooneysiinta ugu balaaran Hackney gudaheeda. Labadii sano ee lasoo dhaafay in ka bdan £135m ayaa lagu qarash gareeyay cusbooneysiinta dibadda sida saqafyo cusub iyo daaqado iyo cusbooneysiinta gudaha oo ay ku jiraan jikooyinka iyo musqulaha. Danteenu waxaa weeye in aan hubino in dhammaan guryaha Golaha ee Hackney gudaheeda ay la kulmaan heerka Dowladda guryaha wanaagsan.
Haddii shaqo laga qabanayo gurigaada waxaad ka arki doontaa tabeelaha ogeysiiska dhismaha, waxaanu kaaga soo diri doonaa warar iyo sarkaalka isku xirka qandaraaslaha dhismaha oo kula kulmi doono si uu kuugu sharaxo faahfaahino kale oo ku saabsan shaqada la qaban doono.
3. Heerarka adeegga Hackney Homes
Hackney Homes waxay la shaqeysaa deganayaasha si loo horuumariyo heerarka adeegga. Tani waxay sharaxaysaa heerka adeegga aad naga rejeyn karto, tusaale ahaan intee in la eg ayay qaadan doontaa in dayactir la dhameystiro. Waxaanu ugu soo gudbinaa daganayaasha warbixinta ah sida aan howsha u qabanayno marka loo eego heerarka Hackney Homes Majallada.
4. Ka qaybqaado
Hackney Homes waxay xiiseyneysaa aragtidaada. Waxaa jiro habab badan oo ay deganayaashu kaga qaybqaadan karaan, marka laga bilaabo xaadiritaanka kooxa diirad saarka arimaha gaarka ah sida dayactirka ama xalinta dhaqamada bulshada lidka ku ah, noqoshada dukaameystaha mystery-ga si loo tijaabiyo adeegyadeena, ka qaybqaadashada tiro koobyada ama xaadirista kulamada ururka deganaha iyo kireystaha. Mararka qaarkood waxaan qabanaa kooxaha diirad saarka oo loogu talo galay kooxo bulsheedka gaar ah. Haddii aad xiiseyneyso in aad ka qaybqaadato, waxaad email u diri kartaa
housing.consultation@hackneyhomes.org.uk ama waxaad waydiin kartaa xafiiska xaafadda degaankaada.